Fadiixadii Ugu Cuslayd Ee Maamulka Jeegaantu Isu Bahaysatay. Komishanka Xaquuqda Aadami, Somaalilaanay Muuse Waa Kaa!!!

Si walboo xaqa loogu eedaamo. Si kastoo loo soo bandhigo ceebta Muuse Biixi. Qalbi daxalaystay lagama sugayo inuu ka garaabo eedaha loo haysto. Se waxaan filaynaa magacaabid Komishanka Xuquuqdo in ay mudan tahay in Muuse Biixi la horkeeno labada gole xilkana lagaga qaado mar haddii uu si badheedh ah ugu tuntay dastuurkii JSL.
Arrintan waxaa maalmahan qaadaa dhigayay warbaahinta Somaliland, hase yeeshee anigoo ah garyaqaan ku takhasusay arrimaha dastuurka waxaan halka ku soo bandhigayaa si dhabta ah ee wax u jiraan. Waxaan ka codsanayaa warbaahinta dalka in ay ila hubiyaan xogtan aan soogudbinayo si ay ugu fidiyaan barlamaanka iyo shacabka si looga tashado dawlad-xumada maanta jirta taas oo hadii la sii daawado dalku ku dhaci doono gud aan laga soo saari karayn.
Muuse Biixi wiigii hore waxaa uu magacaabay komishanka xuquuqul insaanka qaranka sida ku cad wareegtadiisa aan lambar iyo tixraac lahay sida ka cad maamul liidashada uu ku ke;liyaystay taladii dalka. Wareegtadu si dhab ah waxa ay u baalmarsan tahay xeerka lagu soo magacaabo xubnaha komishanka sida ku cad xeer No.39/2010 ee Komishanka Xuquuqul Insaanka. Waxana la soo hubiyay dhamaan 7 xubnood ee uu magacaabay in ay ka hor imanaya Xeerka Qaranka. Hadii arinkaa barlamaanku gacan ku siiyaan oo ansaxiyaan waxaa halkaa lagu aasay qaranimada dalka.
Sidee wax u dhaeen? Sida sharciga waafaqsan madaxweynahu waxaa u magaacabay 3 xubnood oo ka mid ahaa gudida soo xulaya komishanka, 2 xubnood oo kale waxaa soo magacaabay gudoomiyaha maxkabada sare, 2 kalena gudoomiyaha golaha gurtida. Toddobadaa xubnood ayaa u xilsaarna xulashada xubnaha komishanka iyagoo ku dabaqaya shuruudaha xeerka No.39/2010 oo ah sidan.
QODDOBKA 8AAD, SHURUUDAHA XUBNAHA KOMISHANKA
Shuruudaha lagu xulanayo xubinta waa kuwan hoos ku qoran:-
1. Inuu muslin yahay kuna dhaqmo Diinta Islaamka.
2. Inuu muwaadin yahay, da’diisuna ka yarayn 30 sanno, kana waynaan 65 sanno.
3. Inuu caqli ahaan u gudan karo xilkiisa.
4. Inuu leeyahay aqoon heer Jaamacadeed, mid maamul ama mid sharciba.
5. In aanu hore ugu dhicin Xukun ciqaabeed oo Kama dambays ah oo Maxkamad horteed kaga cadaaday shantii sanno (5years) ee ugu dambeeysay.
6. Inuu yahay xilkas, Akhlaaqdiisa iyo Dhaqankiisuna toosanyahay, yahayna shakhsi ku sifoobay Dhex-dhexaadnimo, Karti, Hufnaan iyo Daacadnimo.
7. Waa inuu leeyahay waayo aragnimo sharciyeed ama Maamul.

Qoddobka 14aad
Cidda aan Xubin ka Noqon Karin Komishankan Qaran
3. Xubin Gudiyada Fulinta ee Xisbiyada ka tirsan.

Xulashada waxaa u xilsaarnaa gudi toddoba ah oo sida sharcigu dhigayo ka kooban 2 garsoore oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Sare, 2 xildhibaan Guurtida iyo 3 uu madaxweynahu soo diray. Nasiibxumo gudidii xulashadu waxaa ay ku heshiyeen ama lagu soo amray in ay sharciga tuuraan oo xubnaha ku qaybsadaan qaleelka.

Ka bacdi iyadaan loo eegin sharciga waxaa la soo xulay 14 xubnood oo Xubnahii loo magacaabay xulashadu ku qaybsadeen sidatan. 3 uu madaxweynahu soo yeedhiyay, 3 ka socdaay gudomiyaha maxkabada sare, 2 uu soo amray gudoomiyaha guurtida iyo 7 ay ku darsadeen xubnahii loo magacaabay xulashada ee lagu sugayay in ay si cadaalad ah uga soo dhex xulaan 140 muwaadin oo tartamka ka qayb galay. Ugu danbayn, waxaa madaxweynahu ka soo magacaabay toddobada hoos ku qoran oo mid qudhi aanuuu buuxin shuruudii laga rabay sida aanu halka ku cadayn doono.

1. Maxamed Baaruud Cali, waxa soo amray madaxweynaha. waxaa uu yahay guddiga fulinta iyo xubin firfircoon ee xisbiga Wadani kana hor imanaya Qod. 14 xubinta 3aad. Isla markaa waxaa uu ka hor imanayaa shuruudaha xubnaha komishanka qodobada 2aad iyo 6aad.
2. Rooda Axmed Yaasiin, waxaa soo amray gudoomiyaha maxkamadda sare oo ay ilmadeer yahiin. waxaa ay tahay guddiga fulinta iyo xubin firfircoon ee kulmiye kana hor imanaysa Qod. 14 xubinta 3aad iyo shuruudaha xubnaha komishanka qodobada 4aad, 6aad iyo 7aad.
3. Muse Cismaan Warsame waxaa soo xulay oo ay aabbahii wada dhasheen Maxamed Xuseen Mu’adin oo xubin ka ahaa gudida xulashada. Waxana uu ka hor imanayaa shuruudaha xubnaha komishanka qodobada 2aad, 4aad, 6aad iyo 7aad.
4. Saleebaan Warsame Guuleed, waxa soo amray madaxweynaha. waxaa uu yahay guddiga fulinta iyo xubin firfircoon ee xisbiga Kulmiye kana hor imanaya Qod. 14 xubinta 3aad iyo shuruudaha xubnaha komishanka qodobada 2aad iyo 6aad. Waana qofka keliya oo laga soo celiyay komishankii hore ee aan waxba qaban 7 sannadood.
5. Weris Abshir Xaaji Diiriye, waxa soo xulay xildhibaan Indho (gurtida) kana mid ah gudida xulista, waxaa ay tahay eedadii, madaxweynahana waa dumaashidii. Waxaa ay xubin firfircoon ka tahay Kulmiye. Waxana ay ka hor imanaysaa shuruudaha xubnaha qodobada 4aad, 6aad iyo 7aad.
6. Cumar Maxamuud Xuseen waxa soo waxa soo xulay xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble (gurtida) kana mid ah gudida xulista, waxaa tolkiis ku eedeeyeen warbaahinta horteed inuu amar ku siiyay Xoghayaha Madaxeyne Mubaarik Taani. Waxaana uu xubin firfircoon ka yahay xisbiga Kulmiye. Waxana uu ka hor imanayaa shuruudaha xubnaha komishanka qodobada 2aad,4aad, 6aad iyo 7aad.
7. Cabdirashiid Saciid Cindi waxa soo amray madaxweynaha. waxaana uu yahay qofka keliya ee buuxiyay dhamaan shuruudaha xubnaha komishanka, hase ahaatee beeshiisu waxaa ay warbaahinta horteeda ka sheegeen isagoo ah Garyaqaan in Maxkabada Gobolku ka joojisay shaqada ka dib markii uu ku kacay fal tuugo ah. Arrintaa waa in la hubiyo.

Afrta xubneed ee kale oo Gudida Xulashada Xubnaha waxaa mid kastaa ku darsaday xubin loo ansaxiyay Komishanka kaydka ah. Sidaa awgeed, wareegtooyinkii tan ka hporeeyay ee Muuse Biixi ku soo magacaabay xilalka qaranka sharci ahaan xaq buu u lahaa in uu cidii uu rabo magacaabo inkastoo oo uu cadaystay in aanu dadka u sinnayn, oo madaxweyne u ahayn kuligood. Se waxaa cusub wareegtadan magacaabista komishanka xaquuqda waxaa ay kaga duwan tahay kuwii hore sida badheedhka ah ee lagu tuntay distuurka dalka iyadoo ay iska kaalmaysteen hayadihii dalka ugu sareeyay ee madaxtooyo, guurti iyo maxkamad sare oo ay ku fadhiyaan ragii abuuray JEEGAANTA. Waxaa kaloo gaboodfal culus ah labada garsoore ee maxkamad sare oo soo gudbiyay liiska iyagoo sharciga indhaha ka dabooshay. Kuwaas miyaa umadda u hayn kara halkii ugu sareesay sharciga ee maxkamadda sare?

Xili dagaalo ka socdaan dalka gudahiisa iyo xuduudahaba, xili shirar looga soo horjeedu xukunka Muuse ay ka socdeen Gacanlibaax, xili adduunku dhabarka u soo jeediyay Somaliland oo la isku afgartay in dalka laga jaro deeqahii dunida, xili aduunku madaxweyne Muuse u aqoonsadeen dagaal ooge, waxaa aqoonxumo ah inuu ku dhiirado ku tumashada distuurka. Waxaa ugu sii daran sida uu telifishanada ka sheegay Xildhibaan Caateeye (G. Sool) in beelaha Sool iyo Bariga Sanaag in uu Madaxweynahu ku xuso xubin dumar ah, dumaashidii, ayeeyo aan waxba qorin. Ma sidaa ayuu Muuse ku rabaa inuu ugu cadgooyo Sool iyo Bariga Sanaag halka uu labadooda xubnood iyo weliba Guddoomiyaha ku sooori lahaa aqoonyahanadii uu qalmay ee soo codsaday jagada? Hadaba sidaa miyay ku sii dhisnaan kartaa Somaliland? Maya, maya.

Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqda waxaa uu dhowrsanaan, haybad iyo awooda la mid yahay gudoomiyaha maxkabadda sare. Haddii komishankii sidaa noqday, madaxweynahii, maxkabadii sare iyo gudoomiyahii guurtida xagee shacabku kula hirtaan cabashadooda?
Waxaa aan shacabka ku dhiirinayaa kayskan foosha xun ee qayr distuuriga ah in lagu soo oogo JEEGANTA, Madaxweyne, Gudoomiye Maxkabad Sare iyo Gudoomiyaha Gurtida. Hadii kale, waxaa uu dadka gaadhi doonaa heer ay dadku kaga qancaan qaranimadii 30ka sano loo soo sabrayay oo Somaliland korkeena ku burburto. Somaalilaanay Muuse Waa Kaa!!! Dadka ayay maanta taladu u taalaa. Barlamaankana waxa hor yaala arinkii dastuurka iyo dalkaba ugu hiilin lahaayeen.

Alaa mahad leh
Garyaqaan Guleed Axmed Nuux
advgulaidah@yahoo.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker