Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Fiisaha Xajka Sanadkan Lagu Bixinayo Qaab Electronic Ah

Muqdisho(OWN)- Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan viisaha xajka lagu bixin doono qaab electronic ah halkii sanadihii hore dalka didibadiisa loo qaadi jiray.

 

Wasiirka Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Soomaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in xafiiska wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay iney dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.

 

Wasiir Sheekh Nuur ayaa ayaa sheegay in sanadkaan arimaha xajka dowlada ay aad uga shaqeysay isla markaana waxbadan kaga duwanyahay sanadihii hore.

 

Wasiirka diinta iyo Awqaafta wuxuu kaloo sheegay in la mideeyay qiimaha xujeeyda soomaaliyeed ku soo xajin doonaan.

Wasiirka Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ugu danbeyn sheegay ka warqabka xaalada xaajiga ay wasaarada isku xil saartay isla markaana wax badan laga qaban doona adeegyada aas aasiga ah Xaajiga.

 

Wasiirka Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Soomaaliya

sheekh Nuur Maxamed Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker