Qoysas ka dhoofayay Dhadhaab dib u dejina ka helay dalalka galbeedka oo sheegay inay caqabad la soo daristay

Qoysas ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo dib u dejin ka helay dalalka Galbeedka, ayaa ka cabanaya in hannaankii ay ku bixi lahaayeen laga hor joogsaday.

Tani ayaa dhacday, kadib markii la sheegay in diiwaanka qaxootiga uu muujinayo in dadkaas beri hore ay ku noqdeen dalka Soomaaliya. Dadka ay arrinta saamaysay oo qaarkood la soo xiriiray BBC-da, ayaa beeniyay inay si khiyaarkood ah dib ugu noqdeen Soomaaliya.

Waxaa ay ku doodeen in weligood aanay ka bixin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Waxaa dadkaas kamid ah Axmed Cabdullahi. Sida uu waraysi laga qaaday ku sheegay Axmed, xildhibaanka baarlamaanka Kenya ku metala deegaanka Dhadhaab, Faarax Macallin.

Faarax ayaa ku hawlan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soo wajahday dadkaas, sugaya inay u duulaan waddamada dib u dejinta siiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker