Kenya Oo si Rasmi ah Ula Wareegtay Gaadiid Loo kala Wadey Somaliya Iyo Uganda.

Image result for military car                           Dowladda Kenya ayaa shaacisey inay si  Rasmi ah ula wareegeyso Gaadiid kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Casri ah,kuwaas oo Loo waday dalal kamid ah kuwa Afrika oo ay kamid Tahay Soomaaliya.

 

Gaadiidkan ayaa Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Kenya waxaa ay sheegeen in si sharci darro ah la doonayay in Loo gudbiyo,waxana Gaadiidkaas loo waday dalalka,Burundi, Koonfurta Sudan,Somalia,Uganda, Malawi, Tanzania iyo NRC.

 

Gaadiidkan ayaa Ciidamada Kenya ku qabteen howlgal gaar ah oo ay Sameeyeen sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay laamaha Ammaanka dalka Kenya, inkastoo aysan Shaacin halka sida rasmiga ah howlgalka looga fuliyey.

 

 

Sidoo kale waxaa ay Boolisku shaaciyen inay Xidheen 37 Ruux oo ka dambeeyey in Gaadiidkan si sharci darro ah kusoo geliyaan Gudaha dalka Kenya,kuwaas oo Maxkamad la horgeyn doono.

 

Ilaa iyo hadda macada Sababta rasmiga ah ee  ay Kenya Ula wareegeyso Gaadiidkaas,hayeeshee waxaa xusid mudan in horay ay ula wareegtay una burburisay Gaadiid ay saarnaayen badeecooyin loo soo waday Soomaaliya.

 

Si kastaba Bishii Apriil ee sanadkii tegay ee 2019 ayay aheyd markii Ciidamada Kenya ay qabteen laba Gaari oo ah nooca Casriga ee dunida laga adeegsado,kuwaas oo la sheegay in laga soo xaday dalka Ingiriiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker