Qaar ka mid ah dadka isticmaala TikTok oo wicitaanno raaxada uga qaaday xildhibaanadooda

Xafiisyada Kongareeska Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in ay hafiyeen wicitaanada dad ka mudaharaadaya sharci la sheegay in lagu mamnuucayo Tiktok.

Soo wacayaashu waxay u dhexeeyaan dhalinyaro iyo waayeel, badankooduna “runtii waa wareersan yihiin oo waxayna usoo wacayaan sababtoo ah ‘TikTok ayaa noo sheegay'”, mid ka mid ah shaqaalaha Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday sidaas.

Shaqaale dimuqraadi ah ayaa sheegay in wicitaanada ugu gardarada iyo hanjabaada badan ee xafiiskoodu ka yimi dumarka qaangaarka ah.

Xildhibaanada iyo shaqaalahooda ayaa sheegay in ololaha uu dhab ahaantii uga sii daray walaaca ay ka qabaan app-ka iyo shirkadda waalidka u ah ee ByteDance, waxayna xoojiyeen go’aankooda ku aaddan ansixinta sharciga.

Xawliga uu ku socdo sharcigani ayaa Tiktok ku qasbay in ay isticmaalayaasha farriin usoo dirto isla markaana ku caawiso in ay wacaan xildhibaanada deegaankooda taas oo aad hadda mooddo in ay ka cadhaysiisay xildhibaanada kuna dhiira gelin karto in ay riixaan sharcigan.

TikTok ayaa BBC u xaqiijisay in ay soo dirtay ogeysiis ay ku boorinayso dadka isticmaala Tiktok in ay “wacaan wakiiladooda]congresso-ka]” si ay ugu booriyaan in ay ka codeeyaan sharciga. Isticmaalayaasha ayaa sheegay in abku uu siiyay xiriir toos ah dadka si ay ugu wacaan wakiilada degmooyinkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker