Daawo: Falan-qaynta Ciyaarihii ugu Dambeeya ,,Real Madrid Oo rajo ka Muujisay inay dib u Hesho Cristiano Ronaldo

 

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshay war fiican oo ay dib ugu soo ceshan karto xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaas oo Sannadkii 2018 u wareegay Juventus oo ka bixisay lacag ka badan 100 milyan oo Gini.

 

Laba sannadood oo uu ku qaatay Talyaaniga kaddib, Ronaldo ayaa dib usoo galay suuqa, waxaana xagaagan uu noqon doonaa mid ay kooxuhu ku tartamaan sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalkaas.

 

 

Sida uu daabacay wargeyska Corriere Dello Sport, Real Madrid waxay dib u heli kartaa laacibkeedan hore haddii ay soo gudbiso dalab muhiim ah maadaama ay dhibaato dhaqaale ku habsatay Juventus oo ay raadinayso inay yaraysto safkeeda mushaharka badan qaata, isla markaana uu kan ugu horreeya ee ay tahay in la tuuro uu yahay Cristiano.

 

 

Wargeysku waxa uu sheegay in Real Madrid ay u diyaarisay Ronaldo inay ku dalbato lacag dhan €58 milyan oo Euro iyo mushaharkiisa oo ay sannadkii siin doonto €31 milyan oo Euro, taas oo isaguna uu raalli ka noqonayo, halka Juventus ay dhinaceeda aqbali doonto inay qaadato lacagtan si mushkiladda dhaqaale ay xal ugu hesho.

 

Dhinaca kale, wariyaha caanka ah ee Edu Aguirre oo ay saaxiibbo yihiin Ronaldo ayaa sheegay in laacibkan reer Portugal uu u darsaday Madrid, taasina ay sii xoogaysatay markii ay kooxdu mushaharkiisii dhintay.

 

 

Si kastaba, Cristiano Ronaldo ayaa xusuuso waaweyn ku leh Madrid oo uu la qaaday afar Champions League oo saddex ka mid ah ay isku xigeen iyo abaal-marinaha shaqsiga ah ee Ballon d’Or oo uu afar mar ku guuleystay intii uu joogay Santiago Bernabeu halka uu mar sii horreysayna Manchester United ku qaatay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO FALANQAYNTA CIYAARIHII UGU DAMBEEYYA .

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker