Wariye Caan Ah Oo Loo Haysto Warbixinno Uu Ka Been Sheegay

 Wargays ka soo baxa dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Der Spiegel ayaa waxa ay shaqada ka eryeen mid ka mid ah weriyayaasha ugu caansan ee ka howl gala xaruntooda kuna guulaystay abaalmarin, kaddib markii lagu eedeeyey inuu sameeyey warar been abuur ah.

 

Claas Relotius “Waxa uu been abuur ka sameeyey sheekooyin uu sameeyey,” ayuu yidhi wargeyska Der Spiegel. Jaraa’idka ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah warbixinnada uu muranka ku jiro ay yihiin kuwo aad u dheer oo uu abaalmarin ku mutaystay.

Relotius, oo 33 sano jir ah ayaa aqristayaasha ku khiyaanay warbixinno gaaraya 14. Bayaan la soo saaray maalintii Arbacada ahayd ayuu Jaraa’idka uga go’anka gaaray arrinkan, kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha uu tuhun ka galay warbixinnadiisa.

Baadhitaan arrinkan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu warbixinno ku saabsanaa wasaaradda socdaalka ee Mareykanka ay ahaayeen kuwo been abuur ah. Macluumaadka been abuurka ah ayaa sidoo kale laga helay sheekooyin kale oo uu ka sameeyey milateriga Mareykanka iyo xabsiga Guantanamo Bay.

Relotius ayaa ku biiray wargeyskan sannadkii 2011-kii, waxa uuna sheegay inuu ka shalaynayo falka uu sameeyay. Waxa uu qoray warbixinno gaaraya 60, waxa uuna sheegay in ay bandankood ahaayeen kuwo sax ah. Maamulka Jaraa’idka ayaa aqristayaasha siiyay raalli galin, iyagoo falkan ku tilmaamay “argagax”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker