Liisto u Qor Noloshaada! W/T: Sayid Maxamed Darwiishka

 

 

Waligaa ha  diidin in aad naftaada la fadhiisid una qortid/sameysid liisto. Mar wal oo aad wax qortidi waa awooddii aad ku sawiri lahayd mustaqbalkaaga. Odhaah-dhaqaneed khuraafaad ah ayaa tidhaahda: liistadu wax walba way qiimo tirtaa. Laakiinse liistadu waa taas lidkeeda, wax walba na waxay ka dhigtaa mid raaxo leh.

Waxa jira saaxiib aan leeyahay oo liisto u sameeya waxyaalaha togan ee ay naftiisu ku fikirtu. Waxa uu liisteeyaa wax walba oo horumar ah oo xasuus ku leh noloshiisa, ahna mid uu qabtay muddadii uu noolaa, isla markaasna uu ku dhaato. Waxa uu na lliistada ku ridaa  shandaddiisa waxaana uu sheegay in uu liistada akhriyo mar walba oo uu burin la kulmo. “Dhammaan marka aan akhriyo waxa liistadan ku qoran waxa meesha ka baxa dareenkii  liitay ee i hayay, waxaanan gudaha ka helaa dareen togan,” ayuu yidhi.

Qoridda liist ada yoolasha iyo ujeeddadu waa mid ka mid ah awoodaha dhiirrigalinta nafta. Kolka aad kulan ka qayb gali rabtid waa in aad garataa waxa aad rabtid in aad xaqiijiyo, kolkaas na waa in aad qortaa. Waxa aanad markaas dareemi doontaa awood ka badan middii hore. Waxa kale oo jira shay marka la qoro inta badan dhab ka noqda dhinaca midig ee maskaxdaada.

Mararka qaar saaxiibkay Fred Knife wuxuu maalin maalin u soo safraa Phoenix si uu kulan wada sheekaysi ii la qaato. Waxa aannu nahay saaxiibbo isku xidhan ilaa wakhtigii Koolejka, isla markaas na  wadaaga kaftan iyo dareen aad u sarreeya. Kulankaygu waxa uu ahaa mid aan  socdin lahayn balse qaabeysan. Waxaa aannu ka wada hadli jirnay wax wal oo adduunka ka jira. Sidaa oo ay tahay, haddana waxaan ka war qabay in uu badana la soo safri jiray liisto qoran.

Maalmaha ka horreeya kulankayaga wuxuu ahaa mid sii qortaa mawduucyada uu doonayo in uu si wacan u sii hubiyo, si uu iga la sheekaysto kolka aannu kulanno. Waxa aanay   Dooddayadu ahayd mid aad u fog una furan. Liistadu na waxay ahayd mid isaga macno dheeraad ah u sameynaysay. Waligiina maalin kale iga ma soo wacin telefoon si uu arrin ii ga la doodo balse waxa uu ahaa mid doorbida in uu u dhigta kulankayaga danbe.

Haddii aad isku daydo  kolka ay jiraan waxyaalo muhiim ah, rabtidna in aad soo dukaameysato (shopping), isla markaasna aanad sidan liisto dukaameysi, waxa aad garan kartaa in uu noqon karo dukaameysigani mid qarow ah. Dad badani na waxa ay ogaadeen in aanay sameyn sidan oo kale. Anigu na waxa aan ka bartay—Liisto la’aanta— khibrad aad u weyn. Taas oo ah in aan marar badan dukaameysigii dib u gu noqdo si aan u soo gato waxyaalo aan soo illaaway.

Haddaba maxaa ay dadka qaar noloshooda ugu dabbaqi waayeen mabda’an? Dadka badankoodu  waxa ay wakhti ku bixiyaan qorsheynta safarrada marka loo eego qorsheynta noloshooda. Sababta oo ah, waxa ay ogyihiin haddii aanay liisto sameyn  in ay wax illaabayaan taas oo leh natiijo ay dadka qaar ku sifeeyaan doqonnimo. Laakiin se miyayna noloshu ahayn mid ka qiimo badan safarka?

Bilow in aad liisto ku qortid waxa aad rabto in aad qabato inta aanad dhiman.  Dhig liistada meel aad mar walba ka arki kartid wax na aad kaga kordhin kartid.  Ka dib liistee dad aad rabtid in aad noloshaada ku xidhid kana ag dhawaatid mar walba. Saaxiibtinimadu waa shay qaali ah, maxaa aad u oggolaan—saaxiibtimada— in aad illowdo? Waxa ay u muuqaneysaa doqonnimo in aad liisto ku qortid asxaabtaada, laakiin se waa aad yaabi kolka aad aragtid sida ay liistadani ku xusuusi cidda kuu muhiimka ah, waxa ayna kugu dhiirrigalin doontaa in ku dhegnaato.

Saaxiibkayga qoraaga ah, Terry Hill, waa mid ka mid ah liisto-sameystayaasha ugu waaweyn ee sabanka soo maray. Waxa uu wataa liisto ay ku qoran tahay buug kasta oo u akhriyay, maanso kasta oo uu akhriyay, iyo waxyaabo kale oo aanan waxba ka ogeyn. Taas ayaana noloshiisa siisay dareen taariikheed oo gundheer isla markaana jiheysan.

Ma aha in aynnu sugno ilaa aynnu caan noqonno, si uu qof kale u qoro taariikhdeenna, balse inaga ayaa qori karna taariikhdeenna jeerka ay soconayso. Kolka aynnu qorno yoolalkeenna waxa aynnu qornay taariikhdeenni ka hor inta aanay dhicin. Maamuliha haayadda xayaysiiska David Ogilvy, jeerkii uu bilaabay haayaddiisan waxa uu liisto u sameeyay ciddii ugu wacneyd ee uu rabay in uu la shaqeeyo, sida, Genaral Fords, Lever Brothers, Bristol Myers, Campbell Soup Company, iyo Shell Oil. Wakhtigaasna waxa ay ahaayeen ahayn macmiisha ugu badan addduunka ee loo sameeyo xayasiinta. “Waxa ay qaadatay wakhti,” ayuu yidhi Ogilvy, “laakiin se wakhtigii ugu fiicnaa ayaan hantiyay dhammaantood.”

Hadafku waxa uu awood helaa marka aad qortid, waxa ayna awooddiisu sii korodhaa isla mar kasta oo aad qortid. Waxyaalaha dhiirrigalinta siinaya naftaada, waa in ay ahaadaan kuwo ku xardhan khad ay gacantaadu qortay. Dad badan baa had iyo goor waxa ay dhiirrigelin ka helaan waxyaalo ay dad kale qoreen, adigu na haddii aad noqotid liisto-qorte, waxa aad baran doontaa sidii aad naftaada  ugu dhiirrigelin lahayd waxa aad qortay.

W/T: Sayid Maxamed Darwiishka
W/Q: Steve Chandler
W/B: 100 Ways to Motivate Yourself

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker