Jasiiradda ay xulafada yihiin Somaliland ee hadda sameysatay Gujis

Taiwan ayaa daaha ka rogtay Gujiskii ugu horeeyay ee gudaha Taiwan lagu sameeyo, iyadoo xoojinaysa difaaceeda ka dhanka ah weerarada suurtagalka ah ee Shiinaha.

Madaxweyne Tsai Ing-wen ayaa shir guddoominayay xafladda furitaanka oo ka dhacday magaalada dekedda ah ee Kaohsiung Khamiistii.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in Shiinuhu uu awood u yeelan karo in uu Taiwan duullaan ku qaado sanadaha soo socda gudahooda.

Taiwan waa jasiirad iskeed isu maamusho oo Shiinuhu u arko gobol isaga ka mid ah, wuxuuna wacad ku maray in un maalin uu dib u qabsan doono.

Inta badan dadka indha indheeya arrimaha Taiwan ayaa aaminsan in Shiinuhu uusan si degdeg ah u weerari doonin jasiiradda, Beijing ayaa sheegtay in ay raadinayso “dib ula midoobid” nabadeed oo ay la yeelato Taiwan.

Balse isla mar ahaantaana waxa ay ka digtay in Taiwan ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo madax banaani iyo taageero kasta oo shisheeye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker