Baaq: Somaliland Global  Group

Somaliland Global  Group
Shacabka Somaliland meel ay joogaanba salaan qadarin mudan. ayaan Salaamaya.
waxaa la socotaan in Kooxda Muqdisho la daala dhacaysa ay  taladeedi ku soo uruurtay oo ay isugu geysey inay Somaliland dagaal siyaasadeed iyo mid hubaysanba ku soo qaado.
Waxa keliya ee  talaabooyinkaas khaldan ku kalifayna  waxa weeye magaca ay ku shaqaysanayso ee weli caalamka ka sii qiiqaya ee shalayna inaga dhaxeeyey.
Shalay waxaa loo adeegsaday in laynagu xasuuqo welina waa u diyaar. Ilaahay kama dhigee.
Hadaba iyadoo ay xukuumada Somaliland ay iyaduna dagaalkaas intii itaalkeeda la tacaalayso guulo waaweyna ka soo hoysay gaar ahaan dagaalada hubaysan ee gardarada iyo qabiilka ku salaysan waxaa imanaya su’aal ku socota Somalilanderka qurba jooga ah ( Somaliland diaspora). Su’aashaasi waxa weeye : maxaa inala gudboon?

Waxaan soo jeedinaya fikrad haday suurtagal tahay. Waxaad la soctaan xaaladaha cusub ee dalkeeni ku soo kordhay oo aad moodo in waxa la target garanayo ay tahay midnimadeeni aynu ku soo caano maalnay si laynoogu dhigo ama dib laynoogu celiyo waxyaalo aan ka soo gudubnay oo la doonayo in caalamka loo tuso inaynu ku kala qaybsanahay qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Maanta waxay arkeen wa cadowgeeni inaynu kaabiga u saaranahay horumar dhinacyo badan gaar ahaan ictiraafki aynu inta badan sugaynay .
Waxaa iyaguna jira oo had iyo jeer soo ifbaxa wakhtiyadan oo kale kuwa aad magaca wadaagtaan baadidana kula deydeyi daalna ka badine. Waxa wada hunguri iyo wax baas, kuwaas oo xilligi halgankana jirey laakin maanta u arkay fursad kale oo soo noqotay si ay danahooda gaarka kaga faaiidaystaan.

Shacabku waa ogyahay xukuumadan way ka war haysa laakin maanta halganki wuu mid ka duwan kii hore, wuxuu afka saaray dhinaca horumarka taas oo caalamku ku qancay sidaa awgeed aan iyaga qayrkoodna loo koobnayn waxba aanay yeeli karin.

Qurbajoogu wuxuu ahaa lafdhabarta ilaa maantana yahay Somaliland halkaa soo gaadhsiiyey.
Waxaan qurba jooga u soo jeedin lahaa inay si midaysan xaaladan cusub  uga hor taagan iyagoo kaashanaya  xukuumadooda.
Waxaa xilliyadan oo kale dhawaan bilaabma ama ku aadan fasaxyadi ama summer holiday waxa loo yaqaan.
Waxaa ii muuqata inay tahay fursad aynu ku muujin karno sidaynu u taageersanahay xukuumadeena oo ay inooga Go’an tahay inay Somaliland hore u socoto. Waxaan bulshada caalamka ka dalbanayna waxaynu xuquuqda u leedahay Somaliland oo ah inay madaxbanaanida ay la soo noqotay 18 May  tahay mid ay qiraan oo ay naga daayaan hadalada ay daaha dabadiisa noo soo marinayaan ama nagala hadlayaan.
Enough is Enough. Waxaa xusid mudan munaasabadan in madaxweyne Siilaanyo sanadkii 2003ki isagoo xilliga ka soo baxay doorashadi laga helay oo talada dalka u qabtay madaxweyne Riyaale isagoo socdaal ku maraya dawladaha qaar gaar ahaan dalka Denmark uu aad hoosta uga xariiqayey kulan walba oo uu la galo in Somaliland ay isu tashatay oo waad aad arkaysaan inay gaadhay heer aanay gaadhin dawlado badan oo caalamka ka mid ahi, waa dhinaca dimuqraadiyada oo ay noqotay meel doorasho one man one vote oo xalaali ka qabsoonto. Wuxuu carabka ku adkeeyey inaanay nabadaas iyo guushaas ay shacabkaasi gaadheen aan lala sugin inta uu soo gaadhayo dabkaas hareeraheeda ka holcaya.
Waxaa cad maanta in wixii uu madaxweyne Siilaanyo oo ah siyaasi aragti dheer ( long vision politician) ay maanta soo if baxayaan.

Waxaan leeyahay qurba jooga an fadhiga ka kacno oo aynu markan eeda saarno bulshada caalamka oo ay gartaan  in Somaliland ictiraafkeedu yahay xalka keliya  ee ay ku jirto maslaxada iyo amniga mandaqada geeska Afrika taas oo danta caalamka qudhiisu ku jirto ,wax badana ka taraysa.
Bulshada caalamka waxaa ka jira nidaamka loo yaqaan globalisation oo uu caalamku noqday mid isku wada xidhan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.
Waxaa lagama maaraan ah inaynu parlamaanada westernka is hor tubno oo mudaharaadin ( Big rally everywhere). maanta mar aynu uga baahi badanahay ma jirto mudaharaadkaas.
Fadlan ra’ayigaaga ka dhiibo si degan.
Fariintani waxay kaloo ku socota wakiilada Somaliland u jooga dibadaha anagoo ku ixtiraamayna shaqada ay dalkooda u hayaan kana dalbanayna inay nagu horkacaan.

Waad mahadsan tihiin
Suldan kabadhe
Somaliland Activist.
Somaliland Global group

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker