Maalintii uu Cismaan-Kaluun i badbaadiyay

Waxa xafiiskaygii soo galey adeegihii Xafiiska wasiirka wasaaradda Warfaafint mudane Moxamed Cumar jess. Waqtigaas anigu waxa aan ahaa Agaasimaha Radio Moqadishu, sannadkuna wuxu ku beegnaa 1981. Adeeguhu wusu ii sheegay in wassiirku I rabo.
Waa markii u horaysay ee layga iig yeeray xafiiska Wasiirka. Dalka waxa ku dadan baqdin badan oo ka dhalatay awoodii dalka oo la wareegeen XisbigaHantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo meesha ay milicsadaal uuro ka ka kacayso. Waa fakiray, waxase soo qaban waayay kiiska aan galay. Werwer baa I saaqay. Xiskaygii baa kolba dhinac u cararay. Meel layga qaniinay waa soo qaban waayay. Calool adayg waa wehele, intaan malaf iyo dhawr qalin qaatay baan kor u raacay salaankii dabaqa u sareeyay tegaayay ee xafiiska wasiirka.

Waxa aan ag fariistay xoghayntii wasiirka oo aan naf biday. Xuuraan boobsiis ah baan ku qarqiyay, hase ahaate welwelkii I hayay wax waa ka tariwaayay. Sababta laygu yeeray wax xog ah kama hayn ama inu ii sheego ma rabin. Muddo markaan fadhiyay baa albaakii wasiirku furmay oo lay gacan haadshay.

Wuxu farta igu fiiqay kursigii miskiisa dhinac yiil salaan la’aan. Salkaan dhigay aniga oo weli ka fakiraaya waxa laygu yeeray. Marmar dhif ah baa shaqaalaha laga farxiyaa, markaasna kulan baa la qabta oo waa mar la mujinaayo karaamada iyo deeqda Kacaanaka. Wasiiradu waxa ay lahaayeen awood iyo haybad aad u saraysa oo shaqaalaha caadiga ahi ka salalo.

Muddo markaan fadhiyay oo u waraaqo u ku hawlanaa bu kor ii soo eegay oo yiri, “Waxa ku soo dacweeyay Xisbiga. Waxa aan Xaruntooda tegayna galabta.” Intaas ka dib waxa ii Ishaaray in kulankii dhammaaday oo aan baxo.

Galabnimadii baan Isa soo hortaagay xaruntii wasaaradada. Waxa soo galay wasiirkii oo aan baabuurkisii raacnay. Waxan tagnay xaruntii Xisbiga oo markaas ahayd Xaruntii barlamaanka. Waxa nala geeyay fadhi (hall) weyn oo ay fadhiyaan hoggaamadii Xisbiga qaar badan oo ay ka mid ahayeen C/qadir Xaaji Masale, C/saaq m. Abubakarn, Bootan, Shariif Saalax, Cismaan Kalluun. Iyo kuwo kale.

Waxa hadalkii qaatay C/rasaaq Moxamed Abubakar isaga la hadlaya wasiirka warfaafinta oo yiri, “Radio Muqdisho wey tuurtaa oo ma sheegto wararka Xisbiga. Noo sheeg sababta musuuliyad xumidaasi ku dhacday.”

Wasiirkaygii mudane Jees, intu igu soo jeestay buu yiri, ” Xayd ka jawaab!”
Waxa aan iri, ” Madaxda xisbigu 300 waa ka badanyihiin. Mid waliba subaxdii intu kalaho buu gob qudbad ka jeediya. Mid qudbadiisa qora oo soo dhiibana kuma jiro. Annagu Aaabaha Ummadda Jalle Mohamed Siyad Barre waa khasab in qudbadihiisa qoraal u bedelo. Hase ahaate hawlwadeenada xisbiga qudbadahooda qoraal uma bedeli karo. Waxa codsanayaa in hawl wadeenadu qoraan soo gudbiyaan.”

Sheekadu halkaas markay marayso buu mudane Cusman Jamac Cali (Cusman kalluun) kor u booday oo yiri, “Gari Illah bey taqaan! Waa runtii ee aan wax qoro.” shirkiina waa lagu kala kacay.  Weli waxa aan sugayaa maalntaan Mudane Cismaan la kulmi lahaa ee aan u mahadnaqi lahaa!

 

 

Xigasho: Yusuf Haid

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker