Maayirka Hargeysa iyo Maayirkii Albasra halkay iska eegyihiin “Dhulka Agoonta reer Axmed Dhagax”

Muuqaalkani wuxu muujinayaa Maayir Maajid Alnasrawi oo leh diinta islaamku ma ogola in Dumarka la gacan-qaado Gabadha waa Ergayga EU u qaabilsan Xuquuqda Bani’aadamka Maajid wuxu Lunsaday Tobanaan Malyuun oo Dollar “Musuqay” waxaanu u baxsaday dalka Australia oo uu sharcigeeda haysto

 

Waxa I hor timid odhaah qoraa rer Japan ah loo nisbeeyo carabta wax ka qoray “Carabta ama dadka la dhaqanka ahi waa dad aad diinta ugu adag isla markaa aad u Musuqmaasaq badan”
Waxa ilaahay loogu dhawaadaa Danyarta oo loo adeego la dhagaysto culayska laga dulqaado la isku dhuldhigo

Maayirnimadu waa shaqo loogu adeego baahiyaha magaalada iyo muwaadinka dhiban uguna mudan yihiin agoonta iyo dadka tabaalaysan se hadii ay noqoto Kursi agoontii Mujaahidiinta lagu Boobo, Markaa Qalinku wuxu I farayaa inaan wax ka idhaa

Waa fariin aad ii damaqday markaan helay
Waa Qoys balaadhan ah oo uu dhalay Mujaahid mudo 33 Sano marna halgankii hubaysnaa ku jiray intii danbena Xaduuda Barriga Somaliland Cadawga ka ilaalinaayay “reer Axmed Dhagax” waa dadka ay ku dhisantahay Qaranimada Somaliland balse Midhaheeda waxa qaata ninkaa uu Mujaahidku 2 sano inuu arko loo diiday “Mujaahidkii wuu dhintay agoontii ayaa joogta” dhul ay leeyihiin ayuu maayirka dad garab ku og ku haystaan
faahfaahinta halka uu dhulku ku yaal taxanaha danbe ayaan ku sheegi doonaa iyadoo cadaytii wadata

Anigoo ka mid ah dadkii tageeray una ololeeyay soo bixitaankii Abdirahman Mohamoud Aideed Soltelco waxaan aad uga xumahay in fariin dad muwaadiniin danyar ah aan helay iyagoo ka Cabanaaya Maayirka si ugu yaraan loo dhagaysto dacwadooda

Maqaalo Taxane ah oo loogu hiilin doono Muwaadinka Caasimada ku dulman
Alaahuma Hal-balaqtu Fashhad

shabcuuno@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker