Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo Lagu Dhaawac Qarax ka dhacay Garoowe

Garowe (OWN0 – Qof isku soo Xidhay waxyaabaha qarxa ayaa goor dhawayd  isku qarxiyey kolonyo gaadiid ah oo ay wateen guddoomiyaa gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Nugaal.

 

Qofka is qarxiyey ayaa waxaa la sheegay in uu Beegsaday gaadhiga ay la socdeen guddomiyaha iyo taliyaha, xilli ay hor marayeen Saldhigga booliska ee magaalada Garowe.

 

Wararka aan ka heleyno qaraxaas ayaa sheegaya in dhaawacyo ay kasoo gaadheen guddoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal oo la socday gaadhiga uu beegsaday ruuxa naftiisa haligay .

 

Labadaas masuul iyo qaar ka mid ah askartii la socotay oo dhaawac ah ayaa la sheegay in loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Wixii warar ah ee kasoo Kordha kala Soco Oodwaynemedia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker