ISKU SHAANDHEYNTA XUKUUMADDI HAB DHAQAN XUN OO MAAMUL WANAAGGA KA SOO HORJEEDDA WEEYE.

Sideedaba joogtaynta wax qabad buu horumarku ku xidhantay, oo khibradda shaqaale ku xidhantay, oo (building relationships) ka madaxda iyo wasaaraddu ku xidhantay (culture) kan foosha xun ee isku shaandhaynta xukuumadoo dhami ee bilaha yar ku salaysani wax MORAL ah ma yeelanayso, weliba Xukuumaddii hore ee KULMIYE ee Madaxweyne SIILAANYO ka XANUUNSADAY wasiiradu lacagta wasaaraday cunnideeda fasax u haysteen oo madaxtooyadii hore waxay ahayd qaatee qaado laakiin Xukuumaddan Muse Biixi arinkaa way ka caafimaad qabtaa(so Far). Haddii dad badan aad eegaysid caafimaadkooda dabcan waa (different cases) oo dawooyin kala duwan u baahan iskuma wada qaadi kartid oo dawo qudha kuma isticmaali kartid wasaaradaa iyo wasiiradu waa sidoo kale kuwa loo baahdo ee bilaa tayada ah waad bedelin waqtiyo kala duduwan la kiln kolba Mar qudha ayaan dawladdaan shalay dhisay minjo xaabinayaa waa caqligii xumaa ee Xukuumaddii SIILAANYO ku shaqayn jirtay madaxweyne adna waxaad noqonaysaa sheikh RUSHEEYE kale oo leh Mar qudhaan Wasaaraddaa wada dawynayaa.

Kollayba imika bedel sudden wasiir imika bedel ka Gaashaandhigga oo Puntland hoosta ka ah, ka beeraha oo (very boring) ay dumarkii reer SOMALIAND oo dhami ku sheegeen iyo kan ciyaaraha ee calooshii la ciyaarayno ah ee intuu dhalinta ciyaaro ku jeedin lahaa Xukuumaddii ku soo jeediyey anigu haddaan hal saac oo qudha adiga noqon lahaa seddexdaa far iyo suul baan ku qaadi lahaa.
Xaaladdu halkii way ka dhaqaaqday adiguna markaad kursiga ku ordaysay siyaasaddaadu siday ahayd waa laga dheregsaanaa laakiin markaad kursiga ku fadhiisatay waa inaad wax cusub wadanka ku soo kordhisaa. Dunida ragga caanka noqday oo dhami waa rag wax cusub la yimi oo isbedel bilaabay ama dhamaystiray, markaa isku tasho keligaa goaan gaadh arimo badan si aanad ugu milmin hab maamulkii SIILAANYO iyo Madaxtooyadii sii oo ummaddu runtii (dismoral) ku noqotay.
Isku shaandhaynta xukuumadu waa inay dhawrkii sano Mar dhacdaa haddii kale Qiimo been Dawladeed ayaa ka dhasha. Waa waxyaalaha SIILAANYO ku Barako beelay ee ay ku jirtay wasiirada qabiilkayga lama bedelo waa waxa aan wadanku ictiraaf u helayn.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker