Julen Lopetegui oo Loo Diiwaangaliyay Goohayaha Ugu Wanaagsan ee Yurub

Sannad xun ayuu kula bilowday Real Madrid markii uu xagaagii 2018 soo afjaray waayihiisii Chelsea ee uu usoo guuray Santiago Bernabeu, markaas oo ay ku dagaallameen labada birood dhexdooda Keylor Navas oo saddex Champions League kusoo guuleystay.

 

 

Julen Lopetegui ayaa waqtigaas doortay in Courtois uu goolka ku aamino, laakiin bandhiggiisa ayaa ahaa mid qof walba uu dhaliilay, waxaana ka dhashay goolal aad u badan marka la barbar-dhigo Keylor Navas.

Inkasta oo uu markaas uun kusoo guuleystay Gacanta Dahabka ah ee Koobkii Adduunka oo xulka qarankiisa Belgium uu dedaal uu isagu sameeyey kusoo gaadhsiiyey meel ay koobka sigeen, haddana xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee 2018/19 waxa laga dhaliyey 49 gool 35 ciyaarood oo uu saftay, waxaanu ahaa rikoodhkiisii ugu xumaa intii uu tababaraha ahaa marka laga yimaaddo sannadkii 2011/12.

 

 

Sannad kaddib wax walba way isbeddeleen, waxaanu noqday mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan Yurub, iyadoo loo diiwaangeliyey rikoodho aanay haysanin goolhayeyaasha kale.

24 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah oo xili ciyaareedkan uu saftay, waxa bannaanka goolkiisa lagaga toogtay 10 kubbadood oo miisaan culus iyo xawaare dheeraynayay ku socday, dhamaantoodna waxa uu ka diiday inay shabaqiisa u weydaartaan.

Goolhayaha reer Belgium ayaa dhinaca badbaadinta ee kubbadaha lagu soo toogto waxa uu kaalinta koowaad ka galay Yurub oo dhan, waxaana kusoo xiga Alisson Becker oo Yurub ah, halka uu Keylor Navas oo uu booska kala wareegay uu kaalinta soddobaad ku jiro.

 

 

Courtois waxa kale oo uu wacdaro ka dhigay kulamada uu shabaqiisa nadiifta ka dhigay oo ah 12 ciyaarood oo horyaalka ah, waana goolhayaha labaad ee kulamadii ugu badnaa nadiif kaga baxay marka laga eego Yurub oo dhan, waxaana kaliya ka horreeya Alisson Beckere, Jan Oblak iyo Predrag Rajkovic oo isku boos ku jira dhinaca shabaqa nadiifta ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker