Dawladda Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixisay Hadalkii Shalay Ee Sheekh Shariif

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ku aadanaa in dowladda uu ka saari doono Muqdisho, haddii aanay  joojin dhaq dhaqaaqyada ay wado.

 

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in hadalkaasi uu ku noqday mid filan waa ah, islamarkaana uu dhaawacayo nabad galyada iyo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd inuu u damqado dalkiisa, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii loo xasilin lahaa.

 

Halkan hoose ka daawo

 

Halkan hoose ka daawo hadalkii Sheekh Shariif ” Wallaahi Haddii aysan Joojin waan Bixineynaa, Mooryaanimmo ma Yeeleyno …”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker