” Shiinaha Ma Aqbali Doono Faragalinta  UK Ee Maamulka Hong Kong “: Safiirka Shiinaha Ee London

Safiirka Shiinaha Ee UK, Liu Xiaoming oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada London ayaa tilmaamay in Shiinaha aanuu  aqbali doonin faragalinta  UK  ku hayo  arimaha siyaasada shiinaha gaar ahaan maamulka Hong Kong.

Liu Xiaoming  ayaa  digniin adag u jeediyay dawladda  UK oo ay ku eedeysay in faragalin ay ku hayaan siyaasada Hong Kong oo ay ka jirto xasarad dhanka siyaasada bilihii la soo dhaafay.

Mr Liu ayaa intaa ku daray in wadamada reer galbeedka qaar ay si cad u taageerayaan rabshadaha ka jira Hong Kong ayna tahay wax aanay  u dulqaadan doonin xukuumada Beijing.

Tan iyo bishii June ayaa dibadbaxyo xoogan waxaa dhigayay shacabka iyadoo ay ku eedeeyeen maamulka Hong Kong siyaasad ahaan uu hoos tago dowlada Shiinaha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker