Putin oo ka hadlay Israa’iiliyiin lagu weeraray Ruushka iyo Mareykanka oo ka jawaabay hadalkaas

Mareykanka ayaa wax aan macquul aheyn ku tilmaamay sheegashada Ruushka ee ah in rabshado ka dhan ah Israa’iilee ka dhaceen garoonka diyaaradaha ee Dagestan ay soo abaabuleen Ukraine iyo reer Galbeedku.

Khudbadalaga sii daayay telefishinka shalay ayuu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku sheegay in dhacdadani ay qayb ka ahayd isku daygii lagu doonayay in lagu faafiyo “qalalaasaha”.

Boqollaal qof ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Makhachkala wax yarka hor inta aysan soo degin diyaarada ka timid magaalada Tel Aviv eeIsraa’iil

Qaar badan oo ka mid ah dadkaas ayaa lulaya calanka Falastiin waxayna ku dhawaaqayeen erayo naceyb ah.

Dagestan oo kamid ah jamhuuriyada Ruushka ayaa waxaa ku nool Muslimiinaad u badan, waxaana dhacdadan loo maleynayaa inay xiriir la leedahay caro ka dhalatay colaadda Qasa.

Ciidamada ammaanka ayaa ugu dambeyntii xaaladda dejiyay, waxaana ilaa hadda la xiray in ka badan 60 qof, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker