Dawladda Kenya oo Xoojinaysa Safaaradeeda Somalialnd

Nairobi (OWN) – Dowladda Kenya ayaa saraakiil culus oo ka shaqeynaya xafiiskeeda Somaliland u soo dirtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Saraakiishan ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah madaxa xafiiska xidhiidhka, Charles K Waichari oo ah la -taliyaha Labaad iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -xigeennada maamulka, sid ku cad warqad ay Kenya u soo dirtay labadii bishan Somaliland.

Arrintan ayaa qeyb ka ah is afgaradkii ay sanad ka hor gaadheen labada dhinac oo ahaa inay yeeshaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh, si xoojiyo xidhiidhka Kenya & Somaliland.

Si kastaba madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay ku kulmay Nairobi ayaa waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqayo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.

In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.

In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker