Nin British ah oo Lagu Eedeeyey Dil iyo Dhaawac uu u geystey 16 Bisadood

Nin British ah ayaa lagu helay dambi ah weerar loo adeegsaday toorey oo lagu qaaday 16 bisadood ama mukulaal magaalo xeebeedka Brighton, koonfurta England, sida uu sheegay booliska Sussex.

Steve Bouquet, oo ah 54 jir waardiye ah, ayaa weeraray bisadaha xayawaanka muddo sagaal bilood ah meel u dhow gurigiisa laga bilaabo Oktoobar 2018.
Sagaal ka mid ah bisadaha ayaa mindi lagu dilay, halka toddobo kale ay ka badbaadeen balse ay dhaawacmeen.

Hase yeeshee Bouquet ayaa dafirey dambigan lagu helay kadib markii la soo taagay maxkamada Chichester Crown Court Arbacadii kadib dacwad qaadis siddeed maalmood qaadatay iyadoo xukuna dambigiisa lagu dhawaaqayo 12ka bishan July.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker