Maaraynta Isku-buuqa Qaybta labaad

Qodobadani waa kuwo inaga caawinaya in aan ku maarayno nafaheenna, waqtiyada aan la kulano xaaladdan (Isku-buuq) oo kale:

1: Xooji Iimaankaaga: Mar kasta oo aad xoojiso heerkaaga iimaan, kuna xoojiso xidhiidhka Alle (S.W.T) waxa adkaanaya aaminadaada aad aaminayso waxa Alle kuu qaddaro. Iskuma hawlaysid in aad ka qoomamayso wixii ku dhaafay, balse waad aqbalaysaa waxa aanad isku diyaarinaysaa in aad wax ka barato.
2: Jooji ka fikirka mustaqbalka: Bal u fiirso, mar kasta oo aad ka fikirto mustaqbalka iyo caynka uu u eekaan karayo, waxa aad la kulantaa niyad jab, sababta oo ah si dhab ah uma odorosi kartid; nooca ay nolosha Aduunku noqon karto iyo waliba halka aad ku danbayn doontid. Saar awooddaada oo dhan in aad joogtadaada saxdo, kuna dedaasho in aad wax ka beddesho.
3: Ka dheeroow in ay fikir dheer iyo odoros kaa qaataan, dhammaan xaaladaha siyaasadeed iyo deegaan ee kugu gedaamani, saw ma ogid sababta soomaalidu u tidhaahdo ” Ninka ugu il dheerbaa
dadka ugu ayaan daran
waxaan lala arkayn baa
isaguun u muuqdee”
Ujeedku waa in uu qofkaasi isku hawlo, in uu odoroso xaaladaha guud ee ummada uu la nool yahay iyo waqtiga uu nool yahay, taas oo soo saaraysa, natiijo gadaloolooyin miidhan ah; kana qaadaysa qofka farxaddiisii. Waxa ku saarani waa in aad wanaajisid naftaada, ciddii kale ee aad caawin karaysana caawiso, kolayba qabri ayaa kuu danbaynaya ee isku day in aad ka fikirto wanaajinta acmaashaada Aduunyo, kuna qanac qaybta Alle nolosha kaa siiyo.
4: Filo wanaag haddii aad arkayso balaayo: In aad filato wanaag kana dhex raadiso meel walba; aragtida ah in aad wanaaga uun aragto, waxa ay dajinaysaa maskaxdaada, deggenaantaada nafsiyeedna way ka qayb qaadanaysaa, marka aad aragto sababo kala duwan oo balaayo u dhici karto, sawiro sababo badan oo khayr leh oo iman kara.
5: Is eedaynta ka daa naftaada, kuna dedaal in aad xoogga saarto, wax ka barashada khaladaadkaaga, wixii tagay dib uma soo laabanayaan, balse waxa aad baran kartaa, wixii keenay waxa kaa khaldamay; cashar ahaanna waad u fulin kartaa.
6: Ka dheeroow qof kasta oo u fikira si aan wanaagsanayn, dilana rejo kasta oo muuqan karta, sababta oo ah waxa ay saamayn ku yeelanayaan; heerkaaga tamareed ee aad ku wajahayso noloshaada, waxa aanay daminayaan, iftiin kasta oo kuu bixi kari lahaa!
7: Isku buuqa inaguma keenaan oo kaliya dhacdooyinku, balse waxa inagu keena sida aan uga fikirno una wajahno isla dhacoodyinka inagu habsada!
8: Samayso saaxiib aamin ah oo aad la wadaagto, xaaladaha kula soo gudboonaada ee ay tahay in aad ka gaadho go’aanada, mararka qaarkood waxa aad u baahan tahay qof ku dhagaysta oo aad u warranto, si aad adiga laftigaagu u keento xalka mushkiladaahaaga!
9: Hab-dhaqankaagu waa waxa keenaya, in aad noqoto qof isku buuqa u nugul, sababta oo ah waa mid burburinaya tamartaada iyo fulinta qorshayaasha aad leedahay. Beddel hab-nololeedkaaga, si aad u xalliso mashaakilka ku haysta.
10: Waqtiyada qaarkood, waxa aad u baahan tahay in aad nasasho qaadato, ama aad la qaadato waqti asxaabtaada, si aad u kala fudaydiso culaysyada maskaxeed ee ku haysta, Kali ahaansho naftaada ka fogee waqtiyadan oo kale.
11: Isticmaalka sigaarka, qaadka ama daroogooyinka kale, maaha xalka mushkiladaha, balse waa suuxdin, taas oo muddo yar ku hilmaamsiinaysa ka fikirka dhibta ku haysata. Dantaada maaha in aad waqti ku lumiso is ilowsiin kooban, taas laftigeeda ayaa mushkilad kale sii abuuraysa quusna kugu sababaysa; caafimaadkaagana dhaawacaysa. Adiga oo miirqaba ka fikir xalka, sababta oo ah xal aad waali ku keentay; marnaba ma dabaqayo mushkilad miirqab kugu haleeshay oo waaqici ah.
12:Aqbal xaqiiqada ah in ay dhibaato ku haysato, una tafaxaydo sidii aad uga takhalusi lahayd
13: Ha ku deg-degin in aad tallaabooyin deg-deg ah qaaddo, xal kastaa uma baahna deg-deg ee waxa uu u baahan yahay, qorshe cad iyo falanqayn qoto-dheer!
14: Akhri quraanka, si uu qalbigaagu u xasilo, dhagaysana sheekooyinka ku cibro qaadashada mudan.
15: Ogsoonoow in ay noloshu leedahay gabi-dhacyo, taas oo aanad marnaba ku wada jirayn xaalad kaliya; ee aad isla gediyayso marxaladaha kala duwan ee waayaha kugu gedaaman.
16: Marnaba ha quusan, si aanad u burburin niyad ahaan iyo caafimaad ahaanba.
Haddii ay ku anfaceen qodobadni, fadlan ha kala bakhaylin in aad la wadaagto Asxaabtaada; mahadsanid.
17: Ogsoonoow in isku-buuqu yahay, xaalad ka mid ah xaaladaha la maro nolosha; qof walbana marayo muddooyin ka mid ah noloshiisa.
Dhammaad!
Ha kala bakhaylin in aad ku mention-garayso ama aad la wadaagto Asxaabtaada, haddiiba uu ku qanciyay maqaalkani.

 

 

Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker