Qarax dad badan ay ku dhinteen oo maanta ka dhacay Duleedka Muqdisho

Waxaa saaka Laamiga isku xidha Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Xaawa Cabdi ka dhacay qarax miino oo dad badan ay ku dhinteen.

Sida aan wararka ku helnay gaadhi nuuciisu yahay Hoomeey oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayuu  qaraxa ku haleelay laamiga hor mara isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka muqdisho.

Qaraxan gaariga shacabka haleelay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 10-qof oo kamid ahaa rakaabkii gaarigaasi la socday,halka tiro kale oo aan badaneen ay dhaawacmeen.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen ganacsato qudaarta ka ganacsata, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan dadka badan ee shacabka lagu laayay.inkasta oo ficlilada noocaan ah ay ku caan-baxeen kooxaha argagixisada ah ee AL-Shabab iyo daacish.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha laamiga isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa mararka qaar waxa uu haleelaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka yar yar eey wataan dadka shacabka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker