Xadhiga Suldaan Maxamed M. Farax Deyr. waa Siyaasad Jeegaanneysan oo gundheer.

Maanta oo ah maalin sabti Bishan Barakeysan ee Rabadaanna ay saddex tahay, waxa Burco ka dhacday dhacdo aad u foolxun oo dawlad muslin sheeganeysa aan hore uga dhicib, Suldaan xasaanaddiisa huwan oo ilaahay u sooman, markii uu afuray ee uu isyidhi salaaddii faraka ahayd ee Maqrib Nasaajikii ugu dhawaa kusoo tuko ayaa weerar cirka iyo dhulka lagusoo qaaday oo masjidkii ilaahay lagu weerararay xoogna lagu kexeeyey isagoo lajidh dillay, waxa lasheegayaa inuu amarka Wasiirka daakhiligu soo bixiyey oo uu soo siiyey Sarkaal ay hayb ahasn isu xigaan oo uu ku yidhi dhinasho iyo nolol waa inaan jeelka soo dhigtaa oonu waagu kaaga beryin, sidaasey shaxdu ku fushay. Haddaba waxa isweydiin mudan Maxamed Kaahin ujeedadiisu maxay tahay? waxaynu ka wada dheregsannahay in Guddidii Nabadgelyada ee Burco (HY) ay baaq soo saartay maanta ay wixii kadhacay Burco iyo daarihii la burburriyey ay xaal ka bixiyeen kuna ballan qaadeen iney magdgabaan oo ay dayactiraan haddii eebbe yidhaa, taasoo loo arkaayey isusoo dhawaasho Jeegaanta iyo jeegaandiidka, Suldaankan hadda lasoo xidhay ee weliba sida foosha xun loosoo qabtay miyaaney kala kac ahayn, cidda filisayse meyaaney wadin kala fogaansho iyo mucaaradad hagoogan oo Xukuumadda ina biixi lagaga soo horjeeda, taasoo hadda dagaallo ka aloosanyihiin Jiidda hore Puntlandna ay soo huburursaneyso oo illaa Jubbaland ciidammo kagasoo wado, babaddii la kabkabaayeyna Maxamed Kaahin kala kiciyey, anigu waxaan u arkaa inuu Wasiirka daakhligu uu duullan qaawan Somaliland ku yahay, uu mudanyahay Xadhig iyi Xukun degdega. Muuse Biixi iyo dawladiisa haddii ay ka dhab tahay waa inuu Suldaanka hadda siidasyaa Wasiir Maxamed Kaahinba soo xidhaa, waa haddii wada jirka Somaliland la doonayo.

wa billaahi al tawfiiq
Abdulrahman Omar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker