Sheffield United vs Arsenal, Leicester vs Chelsea & Man City vs Newcaste – Saddexda Kooxood Ee Semi-finalka Laga Sugayo Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Tartanka FA Cup ayaa maraya meel xaasaasi ah, waxaana shalay semi-finalka iska xaadirisay Manchester United oo si dhib badan kaga adkaaday Norwich City.

 

 

Maanta ayay saddexda kooxood ee kale ee kula midoobi doona United wareegga semi-finalku ay caddaan doonaan, marka ay Arsenal u tagto kooxda dhibaatada badan u geysata naadiyada waaweyn ee Sheffield United, Chelsea na ay safarka ugu tagto Leicester City, isla markaana ay Manchester City garoonkeeda ku qaabisho Newcastle United

Lixdan kooxood oo ay laba ka mid ah soo gudbi doonaan, waxay natiijooyinkooda lagu go’aamin doonaa isla maanta in saddex kooxood soo gudbaan.

 

 

Xidhiidhka kubadda cagta FA oo beddelay sharcigii FA Cup-ka ee kulanka labaad la ciyaari jiray haddii ay ciyaartu barbar-dhac kusoo dhamaato, waxa hadda labada kooxood ee waqtigooda caadiga ah barbarro ku dhamaysta lagu dari doonaa soddon daqiiqadood oo dheeraad ah, taas oo socon karta illaa la isla gaadho rikoodheyaal.

 

 

 

Sheffield United vs Arsenal

 

 

Arteta oo xaaladdu ku xun tahay waxa uu tegi doonaa Sheffield, waana kulanka ugu soo horreeya ee lagu ogaanayo kooxda soo labaynaysa Manchester United ee wareegga semi-finalka u gudbaysa.

 

 

 

Sheffield United oo marti loo yahay way soo wada guuleysatay dhamaan kulamadeedii saddexda ahaa ee ay kusoo gaadhay siddeed dhamaadka, sidaas oo kalena Arsenal ayaa si raaxo leh usoo guuleysanaysay.

 

 

Xogta kulanka:

 

 

Ciyaarta: Sheffield United vs Arsenal

Tartanka: FA Cup, wareegga siddeed dhamaadka

Waqtiga: 3pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Bramall Lane

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

 

 

Sheffield United: Henderson; Basham, Egan, O’Connell; Baldock, Freeman, Norwood, Besic, Osborn; McBurnie, Sharp

 

 

Arsenal: Martinez; Maitland-Niles, Sokratis, Holding, Saka; Xhaka, Guendouzi; Nelson, Willock, Aubameyang; Lacazette

 

 

Leicester City vs Chelsea

Chelsea oo wali kusii jirta farxadda guushii weynayd ee ay ka gaadheen Manchester City, waxay garoonka King Power Stadium imtixaan ugu maraysaa haddii ay boos ka heli karayso afarta kooxood ee ugu dambeeya.

Laakiin Leicester City oo qaab wanaagsan ku jirta, horyaalkana kaalinta saddexaad ku raaxaysanaysa inkasta oo ay hal dhibic ka horreyso Blues, ayaa dhexda u xidhanaysa sidii ay iskaga xaadirin lahayd semi-finalka FA Cup.

Leicester City iyo Chelsea way soo wada guuleysteen min saddexdii ciyaarood ee FA Cup ay soo dheeleen illaa hadda.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: Leicester City vs Chelsea

Tartanka: FA Cup – Wareegga siddeed dhamaadka

Waqtiga: 6pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: King Power Stadium

Shaxda  macquulka ah ee labada kooxood

Leicester: Schmeichel; Justin, Evans, Morgan, Fuchs; Perez, Choudhury, Tielemans, Praet, Barnes; Iheanacho

Chelsea: Caballero; James, Christensen, Zouma, Emerson; Gilmour, Jorginho, Kovacic; Loftus-Cheek, Abraham, Pedro.

Newcastle United vs Manchester City

Saddex maalmood kaddib guul-darradii kasoo gaadhay Premier League ee ay Chelsea 2-1 ugu soo garaacday Stamford Bridge, Manchester City waxay ku sugan tahay Newcastle oo ay wareegga siddeed dhamaadka ee FA Cup isku haleelayaan Newcastle.

Pep Guardiola oo kooxdiisu ay difaacanayso koobka, waxay kulankan u arkaan fursad ay koobkoodii labaad ee xili ciyaareedkan ugu guuleysan karayaan, iyagoo Carabao Cup hore usoo qaatay.

Newcastle waxay soo dheeshay shan kulan ka  hor intii aanay halkan soo gaadhin, laakiin Man City saddex ciyaarood oo kaliya ayay ciyaartay maadaama ay meel dambe kaga biirtay.

Saddex guulood iyo laba barbaro ah ayaa Newcastle ay soo xoogsatay, halka City ay dhamaan kulamadeedu guulo wada ahaayeen.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Newcastle vs Man City

Tartanka: FA Cup, wareegga siddeed dhamaadka

Waqtiga: 8:30 pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: St James’ Park

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Newcastle: Darlow; Yedlin, Schar, Lascelles, Fernandez, Rose; Almiron, Hayden, Shelvey, Saint-Maximin; Carroll

Man City: Ederson; Cancelo, Otamendi, Garcia, Zinchenko; De Bruyne, Rodri, D Silva; Bernardo, Jesus, Sane

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker