Xagay ku danbayn doontaa Ethiopia yada uu hogaaminyo ninka ka siyaasada ku cusub ee Aby Ahmed.

11/08/2018 Waxay ahayd  2 April 2018 mudo hada laga joogo 4 bilood iyo isbuuc, markii igu horaysay ee taariikhda Ethiopia  uu masraxa siyaasada soo fuulo siyaasi ka soo jeeda qowmiyada ugu badan Ethiopia ee oromada  oo mudo  100 sano ku dhow  cadaadis lagu hayey. Intaa ka dib siyaasda geeska Africa waxay yeelatay weji cusub.

Waxay dad badan oo ka faalooda  arimaha siyaasada gees ku noqotay lama filaan in ay ethipia xulato hogaamiye Oromo ah inkasta oo uu yahay nin ay iska dhaleen  hooyo amxaar oo Christian ah iyo aabe Oromo ah oo muslim ah.

Intaa ka dib  waxaa loo maleeyey in Raysal wasaaraha cusub  la gu  dejinayo kacdoonkii ay Oromadu waday isna noqon doono maqaar saar  aan ka leexan siyaasaddii xisbiga  xagjirka ahaa EPRDF kaa soo kacan adag ku maamulayey dalka Ethiopia tan iyo 1991 kii.

Abiy Ahmed oo ah siyaasi da yar khibrad badan na aan lahayn siyaasadii arimaha debeda ayuu ka bilaabay  isga oo furfuray siyaasadii arimaha debeda ee Ethiopia oo aad u xidh xidhnayd  isaga oo furay wado cusub oo uu ku wanaajiyo siyaasada eas Africa waxa uu na ugu horaysiiyey  heshiiskii uu la galay Eritrea, kii uu lagalay wadanka masar eek u saabsanaa biyaha Nile, Cilaaqaadkii Jabuuto oo uu sare u qaday, Somalia oo uu la galay Heshiisyo badan oo ay ka midyihiin badaha Somalia.

Si day doontoba ha ahaatee waxuu fashil ka la kul may dib u habaynta siyaasada arimaha gudaha ee Ethiopia isaga oo aan si taxa der lah u waajihin

Waxa uu kacdoon ka abuuray Soomaali Galbeed (West Somalia) halkaas oo uu xoog ku riday nidaamkii ka jiray  mudo 10 sano ku dhow. isaga oo xiray si  baal marsan dastuurka ethipia xoog na ku qabtay taas oo sababtay in xiisad collaadeed ka bilaabato dhulka Somali galbeed   taas oo ku fidi karta gobolada kale ee dalweynaha ethiopia.

Hadab waxaa muuqda waxa yaabo badan oo soo dedejin kara guuldarro siyaasadeed oo soo food saarta hoggaamiyaha da’da yare ee Ethiopia  Abiy Ahmed.

In kas too ay weli tahay  xilli hore (too early)  marka ay timaado qiimeynta (Evaluation) halka ay ku dambeyn doonto siyaasadda  Raysal wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, waxay ila tahay in la sugo  sanad (one year ama laba sano (two years).

Markaan eegay qaabka wax u socdaan waxay ila tahay in Abiy Ahmed mari doono wadadii uu maray Mohamed Morsi gii Masar (Egypt)  lagana yaabo in uusan sanad ka badan sii hayn hogaaminta Ethiopia.

Laba midkood ayay ku danbeyn doontaa Ethipia yada uu hogaaminayo Aby Ahmed (There is two worst case scenario)

 Number One. In dalka Ethiopia galo xassilooni daro iyo deganaansho la aan
in ay dhacdo in  Abiy Ahmed iyo Oromada ay dalka Itoobiya u horseedaan bur bur iyo dagaalo sokeeye iyo kacdoono hor leh sidaasna uu ku fashilmo mudo sanad gudihiis ah.

Number Two .Oromada oo awoodda Itoobiya dominate garaysa si weyn ula wareegta awooda ciidamada iyo dhaqaalaha wadanka Ethipia taas oo sababi karta in qoomiyadda Oromadu  uu ka soo jeedo Aby ahmed ay talada si buuxda gacanta ugu dhigaan taasna ay sahasho in uu xukunkiisa ku dheereysto.

 

 

W/Q: Anwar Ahmed Haji Dirir
Email: anwar105@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker