ISKU EEKANSHAHA DICTATORADA

Maxaad ka taqan astamaha dictatorka?
Su’aasha jawaabteda aan ka yara horeysiiyo taariikh ka mida kuwi siyad bare oo tan shaley korneeyl muse bixi sameyay shabahaaysa (( 1988kii Markii dagaladu ka socdeen gobolada togdheer,sanag iyo waqoyi galbeed waxa xusuus mudan wakhtiga Casimada maanta ee S/land waxa duqeeynayay diyaradihii dagalka ee somaaliya oo ka hadayay garoonka hargeysa,Sidaas awgeed  Idacadii Siyad bare ee Radio muqdisho waxay ku warameeysey in ay gobolada waqooyi ka socdan ciyaari kubada cagta ee gobolada soomaaliya, waxaney ahaayd axaqmaqnimo aad uu xun,waxaneyy ahaayd Astamaha dictatorka, waxa xusuus mudan isaga oo dalka dagaal ku socdo, beelaha walalaha ah ee daganka  ceel afweyn iyo deganada bariga  meeydkodi la kala aasi kariwayay, iyado mudaharado ka socdan  kala badh gobolada somaliland  inu korneey muse yidhi 15 may kooxo ii heesa iyo qaar ii ciyara madxtoyada horteda igu so uruuriya))!!!
Amaradaha dictatorku waxa ka mida dalkisii oo qaaybo gubanayaan ayu guul wadayaashisa  yidha ii dabaaldaga oo heeso ii qaada !!! Waa jahilnimo wana ceeb dhiigi dadkaga iyo dalkaga oo daadanaya heeso ii tuma oo horteyda iga ciyaara.
Dabaal daga  iyo heesa  korneeyl muse bixi  15/5/2018ka oo ku beegan  maalmihii somaali weyn uu dabaal dagi jirtey ururki dhalinyarada konfurta ee SYL, uu Ku dabakhay maalinta uu damcay inu dhalan dooriyo ee qaranimada s/land 18 may. Wa maalin Ku suntan qalbiyada shacabka somaliland, mana guuryo mana midab doorsoonto waxaana Ku suntan aabihi Somaliland Mujahid madaxweyne C/raxman Axmed Cali (( C/raxman-tuur)) iyo geesiyadii uu shihiidey dib u so celinta dawladnimadi inaga luntey 1960kii.
Akhristow hore waxaan Ku weydiiyay sadex su’aalod hadana wan kugu celinayaye please intaad qabyalada iyo cuqdada halka ino yara dhigto ka jawaab si’aalahan.
1. Korneeyl muse bixi imisa sano ayu aha Jabhadii SNM.?
2.Korneeyl muse ma taqaan dagalada uu galey?
3. Korneeyl muse muxuu ka dhex qaban jirey wakhtigii SNM ta Sadexda wadan ee kala ah
A. Sucudi Arebiya
B. Emaradka Carabta
C. Jamhuuriyada Djabuuti ?
Iyo inta sanadood ee u wadamada iyo safaradi somaliya dhex joogay?
Qabyaalada waxa ka qaalisan shacbiyada fadlan baro  taariikhda Korneeylada S/land.
Alla Mahad iska leh.
Qalinkii: Khadar Kaariye Cune
kkaariye05@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker