Tababare Frank Lampard oo Weerar Afka ah ku Qaaday dhiggiisa Jurgen Klopp

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in kooxdiisa ay jaho-wareer gelisay buun-buuninta iyo qaylada kasoo yeedhaysa tababareyaasha kooxaha kale, kaddib markii lasoo afjaray 17 ciyaarood oo guul-darro la’aan ah.

 

 

Everrton ayaa dhexda u gashay Chelsea, waxaanay ku ciqaabtay qalad uu galay goolhaye Mendy oo sababay in rikoodhe lagu dhigo, kaas oo saddexda dhibcood gacanta u geliyey Everton, halka Chelsea ay iska lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka si ku-meelgaadh ah u qaban lahayd.

 

 

Frank Lampard oo kooxdiisu ay xagaagii suuqa gelisay lacag dhan £200 milyan oo Gini oo ay kusoo iibsatay ciyaartooyo cusub, waxay soo jeedisay dareenka Jurgen Klopp oo toddobaadkii hore ku andacooday in Blues ay dhisatay koox cajiib ah oo aan ‘la malayn karin’, isla markaana boos walba ka dhisan.

 

 

Laakiin Lampard ayaa rumaysan in hadalka Jurgen Klopp uu yahay mid uu uga dan leeyahay inuu ku jaho-wareeriyo ciyaartoyda Chelsea, waxaanu yidhi: “Waxaan ilaaliyaa akhrinta sida aanu ku haysano kooxda ugu xooggan horyaalka. Maan fahmin taas.

 

“Kooxaha nagu xeeran waxay ku guuleysteen horyaallo, waxaanay haystaan weeraryahanno dhaliya 30 gool sannad walba, ciyaartooyo ku guuleystay Champions League.

 

 

“Anagu waxaanu haysanaa laacibiin ku guuleystay horyaallo balse qaarkood way ku cusub yihiin Premier League, waanay da’ yar yihiin. Waxaanu dhexda kaga jirnaa shaqo socota, habeennada qaarkoodna way iska dhici kartaa waxa nagu dhacay caawa. Ma jecli laakiin way dhacaysaa.”

Chelsea ayay kulankii xalay ka maqnaayeen ciyaartoyda garbaha weerarka ee Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic oo dhaawacyo murqaha ah u jiifa, balse waxa uu Lampard rajaynayaa inay muhiim tahay in koox walba loo ogolaan doono in shan beddel loo ogolaan doono kooxaha, si dhaawacyadu u yaraadaan.

 

 

“Everton waxa iyagaba ka maqnaa James Rodriguez. Marka aad daawato Chelsea oo la ciyaaraysa Everton, waxaad doonaysaa inaad aragto garbihii weerarka. Waxay ila tahay in shan beddel la ogolaan doono toddobaadkan kaddib

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker