Maxaa Ka Jira In Dawladda Turkiga Ay Dib U Cliyeen Qaxooti Somali ah

Wararka dalka Turkiga ayaa sheegayaa in Dowlada Turkiga ay bilowday dib u celinta Qaxootiga Somalida ee wadankaasi ku sugan kuwaasi oo laga soo qabtay dhanka xadka Giriiga iyo Turkiga.

Waxana la shegayaa in ku dhawaad 28 Qof ka badan ayaa dib loogu celiyay Magaalada Muqdisho iyagoo diyaarad laga saaray dhanka Garoonka diyaaradaha Istanbul isla maalmo kadib waxaa mar kale dib loo celiyay Qaxooti kale oo aan tiradooda helin sida uu ii sheegay Cabdi Fitaax oo ah wiil dhalinyaro ah isla markana ku sugan Turkiga mudo lix sano ka badan.

Cabdifataax ayaa sheegay in ay jiraan Qaxooti kale oo dowlada kasoo qabatay xadka kuwaasi oo loo diyaarinayo dib u celinta Dalka Somaliya.

Waxaa jiro Arday loo diiday Fiisaha Dalka Turkiga kuwaasi oo soo dalbaday si ay wax uga bartaan Dalka Turkiga.

Maxaa Sabab u ah dib u celinta Dadkaasi waakan Cabdifataax oo mar kale ka waramaya arintaasi.

” Runtii waxaa Sabab u ah Somalida oo aad ugu tiro badatay wadanka meel kasta jooga isla markana tahriib mooyee wax kale aana wadanka u joogin taasi ayaa sabab u ah ”

Turkiga ayaa ugu horeeya wadamada Caalamka ee Somalida sida aadka looga soo dhaweeyay dhinac walbo iyadoo Dowlada ka warheyso tahriibka iyo hoolaha kale ay ku jiraan Somalida.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker