Madaxweynaha Dalka Turkiga oo Wiil uu Soddog u yahay u magacaabay Wasiirka Maaliyadda

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ee mar kale la soo doortay ayaa magacaabay golihiisa xukuumadda wax yar uun kaddib markii xafiiska loo dhaariyay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa wiilka uu Soddoga u yahay ee lagu magacaabo Berat Albayrak waxaa uu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Maaaliyadda dalka Turkiga Magacaabista Wiilka uu Sodoga uyahay ayaa hadalhayn ka Dhalisay Turkiga

Erdogan ayaa dib loo doortay bishii aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka wadanka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.

Dib u doorashada Erdogan ayaa meesha ka saartay gabi ahaanba habkii baarlamaniga ahaa ee dalkaa lagu soo dhaqayay 95 sano ka hor.

Golaha Wasiirrada cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Turkiga ayaay isugu jira Wasiiro cusub iyo kuwo horay xilal uga hayay xukuumadda oo qaarkood loo daayay Wasiiradihii ay maamulayeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker