Covid 19 iyo Qoyska Qurbaha

Qofka duntiisa, dabeecadiisa iyo habdhaqankiisa dhabta ahi waxay soo baxdaa markay soo wajahaan xaalado adag oo ku qasbaya inuu yeelo waxaanu awal yeeli jirin. Xalaadahaa adag waxa ka mida xaalada hadda lagu jiro ee Covid19.
Soomaalida Qurbaha ku nool/degan gaar ahaan wadama reer galbeedka awalba xidhiidhka qoyska dhibaatooyinbaa laga sheeganayay. Dumarkuna ragay ka sheeganayeen, ragguna dumarkay ka sheeganeyeen. Sheegashadaas haloo kala bato oo eedu ha u badato raga oo waxbadan laga tirsanayo inay kaalintii aabonimada gaboodfal ka yimiday. Dumar badan oo masuuliyada hooyanimada ku xadgudbayna waa la heliyaa.
Markasta qoyska Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool/degan waxa horyaala caqabado dhaqan-dhaqaale una bahaan isgarabsi gaashaanbuuraysi qoys si looga gudbo amaba loo yareeyo khasaaraha qoys ee ka imankara.
Markasta oo isgarabsigaas hoos udhac ku yimaadana caqabaduhu way sii afbalaadhanayaan, waxana dhici kartaba inay qoyska dhan liqaan.
Qoysas badan oo is garabsi iyo isku tiirsanaan kaga gudbay caqabadaha soo wajahayana way jiraan, kuwaloo ku barriiqdayna waa badanyihiin.
Covid19 halista caafimaad ee uu leeyahay ka sokow wuxu keenay in aabihii Soomaaliyeed een dhaqanka u lahayn inuu guriga joojo shaqo iyo shaqal’aanba gurigii ufadhiisayay fursad uu ku baxana u diiday.( dhaqanka ka gurijoog la’aanta aabuhu ma saxbaa mise saxmaaha waa dood madalkale aminkale u baahan).
Guri isku soo xerayntii Covid19 waxay keenirkartaa amaba keentay in kor u kac kuyimaado isku dhaca lamaana oo dhinac ah iyo ubadkii ii dhanac kala ah. Waxa suura gal ah in wax badan oo aanay ubadku arkijirin ama maqlijirin oo lamaanaha dhexmarijiray
ay arkaan amaba maqlaan. Taasina ay dhawaac maskaxeed iyo mid nafsadeedba ku keento ubadka.
Sida darteed aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed waxa la gudboon inay dulqaad iyo adkaysi baaxadleh muujiyaan una tudhaan dadnimada ubadkooda iyo toodaba. Duurufaha lagu jirana lagaga gudbo is fahan iyo isku dhibrin.
Lamaanihii aan awal isku wanaagsanayn waa inay u arkaan wadajooga Covid19 fursad/jaanis ay isku fahmaan aadna iskugu bartaan, iskulana jaanqaadan si ay uga baxaan mixnadan Covid19 iyagoo guulaystay isku soo dhawaad wacana dareemaya; ubadkana sidaasaa u dana. Culayska Covid 19 ayaynaan ugu darin culayskale oo dhaawac ku reeba qalbigooda.
Lamaanihii awalba isku sanbanaana iyagana fursadbay u tahay inay xidhiidhkooda intii hore ka wanaajiyaan ubadkana wakhti macnaleh la qaataan.
Soomalidu waxay tidhaa ‘waa la doogiye yaan la dacaroon’
Covid19 waa laga bixidoonaaye sabarkeed aan yeelanno
Ilaahay waxan ka baryaynaan inuu culayska inaga dulqaado dhamaanteen.
Cabdicasiis Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker