Ingiriiska oo tababaraya duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka ee Ukraine

Waxaa kasoo baxay fal celin hadalkii uu sheegay Madaxweynaha Ukraine Zelensky ee diyaaradaha dagaalka.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in Ingiriiska uu noqon doonto qayb muhiim ah oo ka mid ah isbahaysiga wadamada taageera Ukraine .

In kasta oo uu sheegay in “aysan ahayn wax sahlan” in la dhiso awoodda diyaaradaha dagaalka ee dalka Ukraine.

Ma aha oo kaliya bixinta diyaaradaha, sidoo kale taageerada waxaa kamid ah tababarka duuliyayaasha iyo saadka kale, ayuu yiri, ha yeeshee Ingiriiska “uu qayb wayn ka qaadan doono” arrintaas.

Waxa uu sheegay Rishi in Ingiriiska uu bilaabi doonto – si degdeg ah tababarka duuliyayaasha Ukraine.

Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqay barnaamij tababar oo looggu tala galay duuliyayaasha Ukraine ee diyaaradaha casriga ah ee F-16 bishii Febraayo.

Ciidanka Cirka ee Ukraine, ayaa wali ku tiirsan diyaarado xilligii Midowga Soofiyeeti la sameeyey, waxayna si joogto ah u dalbadaan casriyeyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker