Laacibka Caanka ah ee Masoud Ozil oo Taageero u Muujiyay Muslimiinta Azerbaijan

Cayaar-yahanka Khadka dhexe uga Ciyaara kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa muujiyay taageerada uu u hayo howlgalka ay ciidamada Azerbaijan ka wadaan Karabakh, oo ah gobol ay ku sugan yihiin milatariga Armenia.


Ozil oo 31 jir ah kana soo jeeda dalka Turkiga balse haysta dhalashada Jarmalka ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Hal bulsho, labo dal,” isagoo ula jeeday xidhiidhka adag ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Azerbaijan.

 

 

“Aniga ahaan, waa muhiim in qof walba oo ku nool dunida uu ogaado in gobolka Nagorno-Karabakh sharci ahaan caalamku u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah Azerbaijan, haddana si sharci darro ah baa loo haystaa.” Ayuu Ozil intaas ku daray.

 

Ozil ayaa sanadkii 2014 Jarmalka u qaaday Koobka Adduunka ee FIFA, isagoo sanadkii 2013, ayuuna ku biiray kooxda Arsenal.

 

 

Dagaallo hor leh ayaa dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ka qarxay gobolkaas oo ay isku heystaan Armenia iyo Azerbaijan.

 

 

Xabbad-joojin ayaa lagu dhawaaqay Sabtidii, iyo in lakala beddesho maxaabiista labada dhinac. Xabbad-joojinta ayaa timid kaddib shir saddex geesood ah oo magaalada Moscow ku dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda ee Ruushka, Azerbaijan, iyo Armenia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker