MID KA MID AH KEYMAHA UGU WAAWEYN SOOMAALILAND OO GABI AHAANBA U MUUQATA MID DABAR GO`AYSA IYO MOOGANAANTA WASAARADA DEEGAANKA

Mar aan booqasho indha-indhan ah ku tagay deegaanada Hawdka ee G/daadmadheedh siiba deegaanka Doroya`ood oo ah dhul ay ku taalo mid ka mid keymaha ugu balaadhan soomaaliland, runtii markii layga sheekeeyey dhulkaasi sida uu ahaan jiray iyo sida uu maanta yahay aad ayaan uga yaqyaqsooday. Waxa lay sheegay inuu ahaan jiray dhulkani xilliyadii halgankii dalka dib loogu xoraynayey xidhkaasi , xidh jiq ah oo bahala galeen ah, oo ay ku noolaayeen Shabeelka iyo Harimacadku , sidoo kalana ay ku dhuumaalaysan jireen Jabhadii xaqu dirirka ahayd ee SNM iyagoo markaana weeraro ka soo qaadi jiray halkaas, ka dibna gadaal ugu laaban jiray. Hadaba keytan oo dalxiiska ku fiican waxa gumaad ku haya shuxulaysato aan u aabo yeen, siiba waxa ay farabaas ku hayaan geedkii Galoolka la odhan jiray oo isagu ah mid Ilaahay ku manaystay keyntaas .
Mar aan hor dhigay Haydhka deegaanka Doroya-ood Cabdi C/llaahi Faarax su`aalo ay ka mid ahaayeen maxaa aydun wacyi galin ugu samayn weydeen dadka waxan samaynaya ? iyo maxaa aydun Wasaarada deegaanka ulla jaashan weydeen? Waxa uu ku jawaabay:- ( ninyoow dadkani maaha dad maqlaaya wacyigalinta ee waa dad lagu ilhaameeyey gumaadka dhirta iyo dhuxulaysiga markaana u baahan in gacan bir ah waxlagaga qabto oo la keeno Askar ama la howlgaliyo dad deegaanka ah oo loo tababaray ladagaalanka dhuxusha, dadkaas oo lagu qalabaynaayo gawaadhi dheeraysa)
Waxa ka mid ahaa waxyaabihii iga fajiciyey ee uu iisheegay Haydhku. waxa uu yidhi :- maalin maalmaha ka mid ah ayaa laygu soo wargaliyey oo lay soo sheegay in meesha layidhaahdo balliga (Xirsi Yoonis ) ay dhuxulaysato fara baas ku hayso, ka dibna, waxa aan shidaal ku shubtay oo aan ingaydh garaystay gaadhi taagnaa Tuulada. Show gaadhiganoow waa gaadhigii dhuxusha shidaayey . Markii uu na dhexdhigay keyntii ayniga iyo nin kale oo aan kaxaystay oo aan ka degnay gaadhigii oo aanu in yar keyntii dhexgalnay hadalkoodiina maqlayno nimanka gododka ku shidaayey dhuxusha , ayaaba gaadhigi naga baxsaday oo nimankii aanu islahayn gaadhiga saarana tilifoon hoosta uga diray darawalkii gaadhigu ka dibna ay naga yaaceen oo ay baxsadeen, ka dina anagoo daalan oo fara madhani dib ugu laabanay deegaankii. Markaa waxa aanu leenahnay Wasaarada deegaanka , dawlada soomaaliland iyo cidkasta oo u heelan ilaalinta deegaanka iyo keymaha dabiiciga ahba , waxa aanu ka codsanaynaa in naloo keeno gaadiid aanu waxkaga qabano iyo taakulanba si aanu deegaanku u nabaad guurin .

 


Qalinkii : Maxamed Muuse Cilmi
Bariise_77@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker