Somaliland: Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaaliya

Waxaa beryahan dambe socday dhaqdhaqaayo faro
badan oo asxaabta caalamigu ku raadinayaan sidii Somaliland
iyo xukuumadda  laga dhisay Muqdisho, in la is horkeeno, si
uu wadahadal u dhexmaro.

 

Marka ugu horeysa, Waxaa wadahadli kara laba
dawladeed oo shacabkooda soo doorteen. Markaa Madaxweyne
Muuse Biixi waa la soo doortay, ée yaa doortay
Farmaajo?

 

Mida labaad, maxaa lagala hadlaa siyaasiyiinta
maanta Xamar ka taliya, waa kuwii la iska xorreeyey oo aan
biyo is marin. Waa dad aad cidna waxba u ogaleyn, oo aad
moodid in xaq loo siiyey xukunka dadka.

 

Ma dadka is hortaagay horumarka dhaqaalaha dadka
iyo dalka Somaliland baa lala xaajoonkaraa? Horumarinta
dekedda Berbera waxay keeni doonta shaqo abuur dheef u
keenaya dhamaan dadka deggan Geeska Afrika. Lakiin, waad
ogeydeen wixii ka yeedhayey siyaasiintaa Xamar
fadhiyey.

 

Dadbaa yidhaahdo, ha la kala saaro siyaasada iyo
xidhiidhka caadiga ah. Saxiibayaal, Somaliland wixii quseeya
waa siyaasad. Wixii  shalay kugu dhacay haddaanad cashar ka
qaadan, berrina kugu dhac, saa’dambe kugu
dhac,..

 

Hadaba maxaa talo ah? Waa mid aan la dafiri
karin, Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo daris ah.
Waxaa weligood ka dhaxeyn doona  xidhiidh ganacsi, bulsho
iyo dhaqan, lakiin, xidhiidh siyaasideed ma dhici karo, mana
dhici doono.

 

Shaqsiga caashaqsan Xamar, ee is leh waxbaa ku
yaal ama waa lagu doonayaa, waxaan leeyahay, orod oo iska
xaadiri, markaad ka soo carartid baynu is wareysan. Kumaanku
baa tagay oo ku soo hungoobay, qaarna, Eebe ha u
naxariistee, may soo noqon.

 

Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka wada hadli
karaan xidhiidhkooda mustaqbalka ee quseeya ganacsiga,
bulshada iyo dhaqanka, lakiin dhanka siyaasada, waxba iskuma
keen hadhin aan ahayn xisaab xidhkii.

 

Allaa Mahad Leh

Axmed Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker