Siyaasi u dhashay Nigeria iyo xaaskiisa oo lagu helay qorshe ku saabsan ka ganacsiga xubnaha jirka banii’aadanka

Siyaasi caan ah oo u dhashay dalka Nigeria, xaaskiisa, iyo dhakhtar oo dallaal ahaa ayaa lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen ka ganacsiga xubnaha jirka nin si uu ugu deeqo xubnaniisa.

Senatar Ike Ekweremadu, oo 60 jir ah, xaaskiisa Beatrice, 56 jir ah, iyo Dr Obinna Obeta, 50 jir ah ayaa wajahaya eedeymo la xiriira ka ganacsiga xubnaha jirka banii’aadanka iyadoo la raacayo sharciyada addoonsiga ee casriga ah.

Dacwad oogayaasha ayaa ka dhawaajiyay in ay qorsheeyeen in ay keli ka saaraan nin u dhashay Nigeria oo 21 jir ahaa, si kelidaas loogu beero gabadh uu dhalay sanatarka oo xaaladdeeda caafimaad kasii dareysay.

Waxaana la sheegay in wiil 21 jir ahaa oo ku noolaa Lagos Nigeria ay u ballan qaadeen shaqo si uu UK u yimaado isla markaana uu caawiyo gabadhiisa si kelida ugu deeqo.

Markii wiilka la keenay UK , wuxuu sheegay in uu arrinta ogaaday markii uu dhakhtarkii kelida ka bixin lahaa uu kula kulmay isbitaalka Royal Free Hospital ee ku yaalla UK.

Markii loo diiday arrintan, oo ay maxkamadda dhageystay , sanatar Ike Ekweremadu iyo xaaskiisa waxay u jiheysteen dhinaca Turkiga si ay uga raadiyaan qof kale oo kelida ugu deeqa gabadhooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker