Saraakiil Loo Xidhay Codka Sirta Ah Oo Laga Faafiyay Madaxweynaha Jabuuti Iyo Qoyskiisa
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa xaqiijiyey in la filayo in maxkamad la soo taagayo taliyaha booliska dalkaasi Korneel Cabdullaahi Cabdi oo maalmahan ku jiray xabsi guri.
Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daray in Korneel Cabdullaahi laga saaray xabsi gurigii uu maalmahanba ku jiray isla markaana hadda lagu hayo xabsiga Gabbood.
Inkastoo aanan si rasmi ah loo caddeyn sababta loo xidhay, haddana waxaa jira warar sheegaya in korneelka loo xidhay sir laga faafiyay qoyska madaxweynaha Jabuuti.
Balse illaa iyo haatan waxaan kala caddeyn cidda bixisay amarka lagu xidhay taliyahan.
Sidoo kale wararka ay BBC-da heshay oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay ayaa sheegaya in sidoo kale uu weli xidhan yahay wasiirkii hore ee miisaaniyadda ee dalkaasi Jabuuti Boode Axmed Rooble.
Mas’uuliyiin ka mid ah xukuumadda jamhuuriyadda Jabuuti oo aan isku daynay in aan arrintan wax ka weydiinno ayeyna noo suuragalin in aan helno.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay bilowday baadhitaan ku aadan waxa lagu tilmaamay codad lagu baahiyay baraha bulshada.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in arrintani ay ku lug leeyihiin saraakiil ay kamid yihiin taliyaha guud ee booliska Jabuuti iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda dalkaas.
“Ka dib markii la xaqiijiyay faafinta codad la duubay oo ay soo saareen kooxo dambiilayaal ah kaas oo lagu baahiyay baraha bulshada, waxaa durbadiiba la bilaabay baadhitaan ku aadan arrintaas”
“Baadhitaankii ugu horreeyay ee la sameeyay waxaa caddaatay in arrintani ay ku lug leeyihiin agaasimaha guud ee booliska qaranka iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka kasoo baxay xeer ilaalinta Jabuuti.
Dowladda waxa ay sidoo kale sheegtay in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo si toos ah ama si dadban uga qeyb qaadatay faafinta codka sirta ah.
“Marka la eegay halista kiiskan, waxaa loo furay gal dacwadeed, waxaana looo dhiibay garsoore gaar ah, waxaana la xidhay qaar kamid ah dadkii loo heystay dambigan halka xeer ilaalinta ay dabagal ku sameyneyso eedeysanayaal kale”
Xafiiska xeer ilaaliayha Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay inay go’aan kasoo saari doonaan dhacdadan isla markaana ay dadka la wadaagi doonaan halka wax ay marayaan.
Dowladda wax faahfaahin ah kama bixin waxa uu ku saabsan yahay codka lagu baahiyay baraha bulshada ee loo xidhay saraakiisha.