Ma run baa Bakhtiga Fircoon waxa uu yaallaa matxafyada Masar?

Xalay ayaan halkan idin ku la wadaagay, in beenaha dadka dhexdooda ku faafay ay ka mid tahay; maydka Fircoon ayaa yaalla matxafyada Masar. Asxaabta qaarkood ayaa i waydiiyey arrintan caddynteeeda. Waxan qoraalkan idin ku la wadaagi doonaa waxoogaa cadaymo ah oo aan soo uruuriyey, kuwaaas oo aan ku xooninayo doodayda ah; in aanu maydka Fircoon haba yaraatee aanu oollin Masar.
Sheekh Maxamed binu Saalax Al-Cusaymiin (1925 – 2001) kitaabkiisa ( لقاءات الباب المفتوح 25/183 ) waxa uu sheekhu ku caddeeyey in Fircoon-kii, Nabi Muse loo soo diray uu Masar yaallo, in ay tahay been cad oo aan sal iyo raad toona lahayn.
(الذين يقولون: إن فرعون صاحب موسى موجود في الأهرامات هذا كذبٌ وكلامٌ لا أصل له…) لقاء الباب المفتوح.
Sheekh Saalax Al-Fawsaan (1933) waxa uu tilmaamay; saxaabiga Ibnu Cabbas iyo qayrkiiba in laga soo guuriyey hadalkan; ” badh ka mid ah reer Bani Isra’il ayaa ka shakiyey dhimashada Fircoon, kolkaas ayuu ilaahay badda ku amray in ay soo tuurto jidhka fircoon oo aanay nafi/ruux ku jirin, si reer Bani Israil u garawsadaan dhamashadiisa iyo halaagiisa”. Aayadda Quranka ah ee odhanaysa ( لِتَكُونَ لِمَنْ خَلْفَكَ آيَةً ۚ) macanaheedu waxa weeye; (jidhkaaga waxaanu u badbadinay, si ay reer bani israil ugu noqoto caddayn dhimashadaada iyo halaagaagu). Aayaddan lagama fahmayo, in jidhka Fircoon uu weligii waarayo, sida qaar ay u haystaan, sababtoo ah ujeedada badda looga soo saaray waxay ahayd in reer bani israilkii dafiray dhimashada loogu quusgooyo bakhtiga fircoon. Qasadkaasina wuu dhammaaday. Jidhka fircoon kama duwana jidhadhka kale ee la midka ah, sida jidhka dhintay uu u dhammaado ayuu jidhka Fircoonna dhammaanayaa. Ma jiro astaan gaar ah oo jidhka fircoon uu kaga soocan yahay jidhadhka kale. (المنتقى من فتاوى الفوزان سؤال 132)
Sheekh Al-Qurtubi (1214 – 1273) hadal ayuu ka soo guurinayaa caalimka Abu bakar, isaga oo leh ( Reer bani israil Eebbe ayey ka tuugeen in ay arkaan bakhtiga Fircoon kolkii uu qarqoomay, Eebe wuu tusay, markaasay arkeen jidh bilaa ruux ah oo mayd ah. Markii ay bakhtigiisii arkeen ayey Nebi Muse ku yidhaahdeen; ” muusow fircoon wuu qorqoomay!” Kolkii ay Shaki baxeen ayey baddu qaadatay maydkii fircoon)
Aayaddan ( فَالْيَوْمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ ) laba tafsiir ayaa lagu fasiraa;
1. Meel sare oo dhulka ka mid ah ayaanu kugu tuuri doonaa
2. Jidhkaaga oo bilaa ruux ah ayaanu muujin doonaa
Aayadda odhanaysa ( لِتَكُونَ لِمَنْ خَلْفَكَ آيَةً ) cidda loo badbaadinayo jidhka Fircoon, waa reer bani israil iyo cidda ka hadhay qawmkii Fircoon ee halaagga ka badbaaday, warka dhimashada Fircoonna aanu gaadhin, una haystay ninkii Rabbiga sheegtay in aanu dhimanayn! Mana jiro tafsiirka aayadda cid ku fasirtay bakhtiga Fircoon in uu weligii waarayo, oo ay cid kastaa soo arkayso.
Sheekh Maxamed binu Saalax al-Munajad, waxa uu yidhi, ” aayaddan ( فَالْيَوْمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنْ خَلْفَكَ آيَةً ) kuma tusayso, in jidhka Fircoon uu keydsanaan doono illa maalinta Qiyaamaha, sida dadka qaar ay moodeen, arrinkaasi waa Quraanka oo lagu macneeyey macne aanu xambaarsanayn”
Sida laga soo xiganayo, mawasuucada carbeed ee caalmiga ah (Global Arabic Encyclopedia), bakhtiga lagu sheegayo jidhkii Fircoon oo la ilaaliyey, xilligii ugu horreysay ee la soo bandhigo waxa ay ahayd sanadkii 1881kii. Waxa iswaydiin mudan; Wixii intaa ka horreeyey, halkuu jidhka Fircoon yaallay? Maxaa caddaynaya in qolfoofkani uu yahay bakhtigii Fircoonkii Nebi muse loo soo diray?
Jidhka Fircoon hadduu baaqi noqonayo, maxay qisadaasi uga qarsoontay quruumihii fircoon ka dambeeyey. Arrintan Quraanka lagu xusay, maxuu Nabi Maxamed scw iyo saxaabaddiisa uga qarsoontay oo ay u sheegi waayeen in dhulk Masar uu maydkii Fircoon yaallo? Haddii Fircoon uu baaqi noqonayo, ummadihii ka dambeeyey oo dhan ayaa soo arki lahaa oo arrintaasi calaamad u noqon lahayd, maxaa qisada taariikhdaas fog leh qariyey, oo qarnigii 19aad aakhirkiisa loo helay? Masaaridu waxa ay shaaciyeen in ay heleen bakhtiga Fircoon qarnigii 19aad. Xagee ayuu Fircoon ku sugnaa intii hore? Boqolaalkan bakhti ee matxafka ku keydsan keebaa kii Fircoon ah?
Beentan faaftay ee weliba shaadhka diineed loo geliyey, waxa ay il dhaqaale u tahay masaarida oo indhah dalxiisayaasha caalamka kaga iibsada maydkii Fircoon ayaanu haynaa, iyaga oo u adeegsanaya aayadda Quraanka ee ay macnaheedii saxda ahaa af-duubeen.
Hadaba, maxay yihiin sawirada qalfoofka ah ee yaalla matxafyada Masar?
Ma jirto cid si dhab ah u caddaynaysa bakhtigan aynu sawirkiisa aragnay inuu yahay Fircoon kii Nebi muse losoo diray, sida uu qirayo Dr. Xuseen abdul-Basiir oo ah maamulaha matxafka masar ee lagu keydiyo aasaarta qaddiimiga ah, Waxa uu yidhi:
“إننا، كأثريين وعلماء آثار مصرية، لا نعلم على وجه اليقين من هو الفرعون الذى عاش فى عهده سيدنا موسى «عليه السلام» كى نقول إن فرعون موسى هو الملك رمسيس الثانى على وجه التحديد.
Taariikhyannadu waxa ay qoreen in Maydadkaasi ay yihiin bakhtiyadii qaar ka mid ah qoyskii faraacinada ee Masar ka talinayey casrigii la odhan jiray (Ramesside period)
Bakhtiga sawirka ka muuqda ee ay Fircoon inoogu sheegayaan, waa bakhtigii boqorkii 3aad ee qoyskii fircoonnada oo 19 ahaa, waxa la odhan jiray (رمسيس الثاني/رمسي الاكبر) ama (the great Ramesses/ Ramsesse II), wuxu xukunka kala wareegay aabbihii (ستي الاول). Ninkaas ayaa Fircoon lagu sheegaa, balse xaqiiqatan maaha Fircoonkii Nebi muse. Ku darso oo dhammaan boqoradii Masar soo maray ee kasoo jeeday qoyskii faraacinada mid kasta magaca “Fircoon” ayaa loogu yeedhi jiray.
Adam Duale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker