Kartoonistihii Kurt Westergaard Aflagaadeeyey Nebigeena Muxumad CSW Oo Geeriyooday

Kartoonistihii aflagaadeeyey Nebigeena Muxumad CSW ee lagu magacaabi jirey Kurt Westergaard oo u dhashay dalka Denmark ayaa geeriyooday, kadib, markii uu in muddo ah xanuunsanaa.

 

Warbaahinta caalamka  ayaa sheegay  inay Qoyska Ninkaasi u xaqiijiyeen geeridiisa, isagoo 86-jir ahaa, Farshaxanistahaasi waxa uu u shaqeyn jirey Wargeyska Jyllands-Poston tan iyo sanadihii 1980-aadkii.

 

Waxa uu sawiro uu ugu gefay Nebigeena Muxumad CSW sawiray sanadkii 2005-tii, taasi oo ay Muslimiinta Caalamka ka dhiidhiyeen Xadgudubkaasi, waxaana dhacay Dibadbaxyo waa weyn oo looga soo horjeeday Ninkaasi ku xadgudbay Islaamka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker