Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Maanta Shaaciyay Xiliga La Bilaabayo Diiwaan-galinta Shaqaalaha Dawladda Ee Aan Wali Si Rasmi Ah Loo Diiwaan-galin.

Hargaysa:(OWN)- Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha,Farxaan Aaddan Haybe,ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhawaan si rasmi ah loo diwaan-galin doono Shaqaalaha aan diwaan-gashanayn,gaar ahaana Shaqaalihii laga soo qoray Goboladda Dalka iyo Sidoo kale kuwii kusoo galay Bedelka.

Qoraalka Guddoomiyaha ayaa u dhignaa sida tan; “

Maanta Waxaan si rasmi ah u shaacinay xiliga la diiwaan gelinayo dhamaan shaqaalaha aan weli si rasmi ah loo diiwaan gelin ee Wasaaradaha iyo Hay’adda Dawlada ee Madaxa Banaan. Shaqaalahaas Waxa ka mid ah 1)Guulaytayaashii Gobolada 2) Dhamaan badalka shaqaalihii lagu badalay kuwii laga saaray payrollka diiwangelintii hore oo ay Ku jiraan Macalimiinta wasaarada waxbarashada 3)Shaqaalihii galay payrollka intii ka danbaysay Diiwaangelintii hore kuwaas oo ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka iyo dhamaan shaqaalaha miisaaniyad sanadeedka 2019 ee la sii daayay imtixaan/qiimayn ka dib iyo dhamaan waxii shaqaale Ku jira payrollka ee aan hore loo diiwaangelin.
Diiwaangelintu waxay bilaabmaysaa 15 October 2019 waxaanay dhamaanaysaa 23 October 2019. Wareegto uu la socdo jadwalka taariikhda loo cayimay ayaa loo diray wasaarad iyo hayadkasta oo dawladeed si shaqaalahooda loo diiwaan geliyo. Sidaas darteed, Waxaa muhiim ah in waqtiga loo cayimay ay sida jadwalka Ku cad gobol kasta diiwaangeliyaan shaqaalahooda. Wasaarada ama Hayada ay dhaafto diiwaangelintu waqtiga loo cayimay Waxa ay bixin doonaan kharashka diiwaan gelinta shaqaalahooda maadaama ay iyagu sababta dibu dhaca ka timi xagooda iyadoo loo diyaariyay qalabkii, shaqaalihii iyo gadiidkii hawsha ka waday goob kasta”.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting and indoor

Farxaan Aaddan Haybe,Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL
Allah Ayaa Mahad leh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker