Dawladda Shiinaha Oo Ka Joojisay Ajaaniibta Dalkooda Galaya

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay tallaabo ku meel gaadh ah oo lagu mamnuucayo dhammaan ajaanibta booqanaya dalkaas, xitaa haddii ay haystaan dal ku galka ama degganaasha dalkaas.

 

Dalkaas ayaa sidoo kale xaddidaya duullimaadyada diyaaradaha Shiinaha iyo kuwa dalalka kale, isagoo ku amray inay toddobaadkii sameeyaan hal duullimaad, iyo in diyaaraduhu aysan buuxin in ka badan 75%.

Inkastoo Shiinaha uu shalay shaaciyay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ee gudaha dalkaasi, muddo saddex maalmood ah, haddana inta badan dhammaan kiisaska cusub waxay noqdeen kuwo laga qaaday dad dibadda ka yimid.

 

Waxaa Shiinaha laga soo sheegay shalay 55 kiis oo cusub – kuwaas oo 54 ka mid ah ay bannaanka ka yimaadeen.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker