Shirweynaha Garxajis Waxaan Leeyahay Isku-Duubnibaa Shalay Lagu Daabay Gudintee Dhillataye Maxaa Dana? Madaxweyne Muuse Biixi-na Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aada Boorame Kuma Geeyo Daafeed? Qormadii 1 aad

Allaha u naxariistee Abwaankii, Cusmaan Aadan Xuseen (Cusmaan Askari) heesihii uu curiyey waxa ka mid ahayd; ninka ugu il-dheerbaa dadka ugu ayaan darran,waxaan lala arkeyn baa, isaguun u muuqdee,aheey, Ax maskaxdaa laga abaaroobay.

 

Sidoo kalena Allaha u naxariiste Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxa uu ahaa Abwaan aragti fog,waxana u sii muuqatay oo uu sii saadaaliyey,sida dawladnimadii markaa la haystay, ay u sarifmi doonto(20)  labaadan sanno kadib.sadaashii uu Abwaan Gaariye sii sheegay 1997-kii maanta ayeynu aragnay oo dawladnimadii iyo isku duubnidii umadda Somaliland,sidii ay marba u sii sarifmasay oo ay hoos ugu sii dhacaysay,ayaa maanta magacii  soomaliland waxa qariyey oo ka awood batay  magaca “JEEGAAN”. Waxa kale oo allaha u naxariistee Abwaan Gaariye xilligaasi sii sheegay in hantida ma guurtada ah,ee uu qarankani leeyahay ee ay ka mid yihiin seerayaaasha xilliiga jilaalka xoolaha lagu badbaadin jiray,dekedaha iyo madaaradu ay ka mid noqon doonaan goobaha sarifka geli doona,waxa uu yidhi Abwaan Gaariyey Maansadisii “ERGO” ee 1997-kii ku yidhi “shalay daalinkaan riday dalbaabu xukumayee,qaar daaqii xoolaha dekediyo madaarkii iyo dawladnimadii sariftaa ka daba yimid,oo sida dawaarlaha ninba dhan u dillaacsaday,degmadii cidiisoo kaligii ka diig yahay.

 

Akhriste hadii aad eegto, dawladnimadda Maanta Somaliland ka jirta,ma tahay mid loo siman yahay? ,su’aashaasi hadii aad weysiiso beelaha darafyadda ,ee Somaliland waxay kugu jawaabayaan,mansabyadda ama maamulka dawladnimo  ee Somaliland min madaxweyne ilaa biyo tooni ama badhi wale 80% waa beesha dhexe oo kaliya.  beesha dhexe  gudaheeda hadii aad sii waraysatana waxay kuugu jawaabayaan in xukuumadda uu Madaxweyne Muuse Biixi soo dhisay 60%  ay tahay “JEEGAAN” 40% soo hadhayna ay tahay Somaliland inteeda kale oo dhan,waxaanna muuqata  in Somaliland ay maanta marayso marxalad ay aduunyaddu soo dhaaftay oo ay ka soo gudubtay qarnigii 17-aad. Qarnigaasi oo ahaa qarnigii loo bixiyey qarnigii isku dul-noolaanshaha, oo dadkii wakhtigaasi Yurub ku noolaa ay qaarkood gacanta nidaamkii  iyo maamulkii dawladnimadda ee wakhtigaasi jiray. Kadibna mansabyadii dawladnimo ee ay hayeen ay ku urursadeen dhaqaale xad dhaaf ah,halka dadka intii soo hadhayna ay ahaayeen kuwo uu bakhtigu uu xalaal u yahay.

 

Haddaba,talo bixinta ugu danbeysa ee aan siinayo Madaxweyne Muuse Biixi waxay tahay; dariiqaad haysa maaha kii saxda ahaa,ee aad Somaliland ku hogaamin kari lahayd? Madaxweyne haddaba bal dib-isu-noqo oo gasho muraayad aan been ku sheegin ee runta ku sheegta,oo ku tusta xaqiiqadda rasmiga ah,ee Maanta Somaliland ka jirta? Haddaba hadii aan hab-suugaaneed kuugu caburana waxaan ku odhan lahaa; Madaxweyne Muuse Biixina Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aadaa Boorame Kuma Geeyo Daafeed?

 

 

 

Qormadii 1 aad:

La soco qaybaha danbe ……………………………………………………

Qoraa: Cabdirisaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi786@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker