POLICE FILES : NINKII XAASKIISII IYO SAAXIIBKII KHIYAAMEEYEEN , EE KA AARGOOSTAY

Muuse iyo Cabdilaahi waxay ahaayeen 2-ba caruur ah oo soo wada koray , oo jaar ah , marka ay seexanayaan uun bay kala maqnaan jireen . waxaanay ahaayeeen isku Dugsi .Xaaladda Reerohoodu waxay ahaayeen , mid aad u liidatay , oo Aabayaashood waxay ahaayen muruq maal ah maqadaan ma dhergaan . Caruurtooda waxay ugu dadaaleen in ay wax bartaan .
Muuse waxa uu bartay caafimaadka , Cabdalena waxa uu noqday Macalin . waxay wada dhisteen 2-ba Guri oo yaryar oo isku qabsan .
Cabdilaahi wuu guursaday , Muuse-na muddo yar ka bacdi ayuu guursday .
Cabdilaahi waxaa u dhalatay 2-ba caruur ah , Muuse-na waxaa u dhashay laba caruur ah .
?Kabacdi waxaa galay shakii . goor kastana saaxiibkii waxa uu ugu yimaaddaa gurigiisa isaga oo jooga . Muuse waxa uu shaqeeya mar mar badan saamaleyl oo guriga wuu ka maqan yahay .
Maalintii danbe ayaa waxa uu go’aansaday in uu xaruurta dhiig ka wada qaado , nasiib wanaag waxa ay marayeen caruurtu tallaalkii .
Dhiig buu ka qaaday 4 toodiiba  isaguna waxa uu iska qaaday dhiig . markii dhiigii la baadhay 4-tii caruur ahaydba waxay noqdeen isku dhiig .
isaguna lama dhiig noqonin midkoodna . waxa uu fursad u helay in saaxiibkii Cbdilaahi uu xanuunsaday , xanuun  maqaarka ah .
Kabacdina dhiig ayuu ka qaaday saaxiibkii . saaxiibkii Cabdilaahi iyo 4-tii caruur ahayd waxa ay noqdeen isku dhiig .
Wixii uu shakiga u haystay iminka way dhaboobeen , oo dhab ayey noqotay .
Talo ayaa ku cadaatay , markii uu ogaaday in saaxiibkii iyo Xaaskiisu ay wada khiyaameeyeen .
waxa uu damcay in uu ka aargoosto . wax badan ayuu ka fekeray sidii uu uga aargoosan lahaa . muddo ayey ku qaadatay . maalintii danbe ayuu go’aan gaadhay .
Waxa soo galay fasaxii Dugsiyada , saaxiibkii ayaa waxa uu u sheegay in ay safax u baahan yihiin , kabacdina sidaas ayuu ku qanciyey .
Waxa uu soo jeediyey in isaga iyo caruurtu iyo 2-dooda xaasba ay isaga raacaan oo ay xaggaa iyo Berbera u xaga baxaan , isaguna marka uu fasaxa galo 4 casho kadib , in uu u soo noqon doono , si uu ugu biiro .
Arintaas Cabdilaahi wuu ogolaaday , sidaas ayey Muuse iyo 4-tii caruur ahayd iyo 2-doodii xaasba ayey Berbera ugu baxeen .
3-Casho kabacdi ayuu isagiina u soo noqday . Gurigii ayuu ugu yimi , intii uu diyaar garoobaayey ayaa waxa uu ku yidhi 2-ba Koob oo shaaha aynu sii cabno .
Cabdilaahi wuu ka yeelay , inta uu Muuse 2-dii Koob ee shaaha ahaa diyaariyey oo uu dawo mukhadir ah ugu riday ( dawo lagu seexdo) uyuu u dhiibay . Wax yar kabacdiba wuu seexday Cabdilaahi . inta uu Muuse  xagaa iyo Makhsinkii HUurdada u jiiday , ayuu Sariirtii ku xidh-xidhay , kabacdina inta uu irbad ku muday mukhadir ah , si aanu waxba u dareemin , ayaa waxa uu ka jaray (Qoodhihii) alaabtii ragga , kabacdina wuu tolay . irbad kalena wuu ku kuday sii seexisa muddo 3 saacadood ku dhawaad ah .
Muuse inta uu Berbera ku noqday ayaa uu 4-tii caruur ahayd iyo Hooyooyinkooba inta uu soo wada kaxeeyey , oo uu ku yidhi : waynu noqonayna oo Cabdilaahi ayaa isoo raaci kari waayey oo yara xanuunsanaaya . markaa weynu noqonaynaa .
Ayaa Muuse markii uu dawga iyo Buuraha Berbera uu maraayo , ayuu iska dhigay , sidii qof kaadi qabatay , oo soo kaajaaya . Gaadhigiina Albaabadii ayuu u wada qafilay
Kadibna inta uu gaadhigii dabadiisa istaagay , ayaa uu riixay ( Hand break) guna wuu u furnaa Gaadhiga . Gaadhigii dawgii ayuu ka dhacay , kadibna wuu qarxay , markii horena Muuse Petrol ayuu ka soo buuxuyey Gaadhiga .
Halkaas ayey ku dhinteen 4-tii caruur ahaa iyo 2-dii Dumarka ahaaba , isaguna gaadhi ayuu u gacan haadiyey oo uu ka raacay Burco ku socda , kadibna Garoowe ayuu u sii talaabay , kadibna Muqdisho , kadibna AFRICA ayuu u sii gudbay .
Cabdilaahi oo 3 Saacadood kadib toosay , ayaa waxa uu arkay Sariirta uu ku xidh-xidhan yahay , kabacdina wuu qayliyey
Jaarkiibaa maqlay qayladiisii , markaasay isku dayeen in ay Albaabka jebiyaan , laakiin wuu ku adkaaday , kabacdina Police-ka ayey u tageen oo soo raacay . Albaabkii ayaa la jebiyey , waxa la arkay qofkan Sariirta ku xidh0xidhan ee qaawan . waa laga furay xadhigii .
Waxa Sariirta dhinaceedii mlaga helay warqad ay ku qaran tahay : marka aad warqaddan akhriyeyso, waxaad ogaataa in aan khiyaamadaadii ogaaday , adiga iyo Xaaskaygii igu samayseen . waxaana go’aansaday in aan 4-tii caruur ahaa iyo 2-dii dumar ahaaba aan wada dilo , aniguna aan la dhinto , oo aan Gaadhiga dawga ka tuuro .
Adigana waxaan kaaga tegey , xaalad aan  NIN-na ahayn  Naag-na ahayn .  wAAYO ?
Saaxkiibkay ayaad ahayd , iyaduna Xaaskaygii ayey ahayd , laakiin khiyaamo aan la saami karayn oo aad u fool xun ayaad igu sameyseen .
Markaa waxaad mutaysatay   . waad heshay
CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker