Abaartii ugu Xumayd oo Ka Jirta Qaarada Yurub

Xaaladda cimilo ee qaaradda Yurub ayaa bilihii ugu dambeeyey si aad ah looga deyrinayaa, abaarihii ugu darnaa muddo 500 oo sanno ah, ayaa sababay in webiyada qaar ay gudhaan ama biyo yareeyaan. Boqolkiiba 47 dhulka Yurub ka mid ah ayaa ay abaaruhu baabi’iyeen, welina waa ay sii fidiyaan. Keymo badan ayaa uu ka kacay dab ay marar badan demintiisu aad u adkaatay, dhulkii cagaarka huwanaa ee ay qaaraddu caanka ku ahayd ayaa isu beddelay abaar iyo omos.

Xaaladdan ayaa ku faaftay inta badan ee dalalka Yurub ee qabowga lagu bartay, meelaha ugu daran waxaa ka mid ah Ingiriiska oo ay gudhay haradii Wales. Faransiiska 100 degmo oo ka mid ah oo ay gudheen ilihii ay biyaha ka heli jireen, subaggii (Burcadkii) uu Faransiisku caanka ku ahaana waa la waayey, kaddib markii xoolihii ay waayeen baad iyo biyo.
Dalka Jarmalka waxaa biyo yareeyey webiga dalalka badan isu mara ee Rhine, taas oo caqabad ku noqotay gaadiidkii dhex mari jiray. Dalka Talyaanigana waxaa hoos u dhacay qulqulka biyaha webiga Po, biyihii 650 km gaadhi jirayna waxa ay hoos ugu soo dhaceen 65 km oo keliya.

Dalka Spain-na abaaruhu waxa ay sababeen in kaydka biyaha dhulka ku jiraa ay boqolkiiba 40 yaraadaan, waa hoos u dhicii ugu weynaa ee biyaha ku yimaadda taariikhda dalkaas oo dhan,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker