Madaxweyne Trump Oo Sheegay inaanu Ku Raacsanayn Taageerayaashiisa Ku Dhawaaqayay Erayada ah “dib u celi, dib u celi” ilhaan Cumar

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in taageereyaashiisa aanuu  ku raacsanayn dalabkooda ah in Ilhaan Cumar dib loogu celiyo Soomaaliya.

 

Dad tiro badan oo uu meel fagaaro kala hadlayay ayaa si wadar ah ugu dhawaaqayay erayada ah “dib u celi, dib u celi” kadib markii uu magaceeda ka xusay makarafoonka.

 

Waxa ay ka jawaabayeen hadal uu horey u jeediyay oo ahaa in Ilhaan iyo saddex hablood oo kale oo ay Congress-ka Maraykanka ku wada jiraan ay ku laabteen dalalkii ay asal ahaan ka yimaadeen.

 

Dadka Trump naqdiya ayaa sheegay in hadalada taageerayaasha Trump ay la midyihiin kuwii ay horey u yiraahdeen Hillary Clinton ee ay ku baaqayeen in xabsiga la dhigo kadib markii Trump uu ku eedeeyay in ay dambi ka gashay qaranka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker