Aasaasihii shirkadda iPhone oo u tartamaya madaxweynimo

Terry Gou, oo ah 72-jir bilyaneer ah, isla markaana ah aasaasihii shirkadda iPhone-ka ee Foxconn, ayaa ku biiray loolanka loogu jiro madaxtinimada Taiwan.

Mr. Gou waa ganacsade ay ku xeeranyihiin sheekooyin badan nolashiisa.

Falanqeeyaasha arrimaha doorashada ayaa sheegaya in hadii uu ninkaan ahaan lahaa musharaxa kaliya ee ka soo horjeeda xisbiga talada haya ee Democratic Progressive Party (DPP), uu wax wanaagsan qaban lahaa, marka la barbar dhigo musharixiinta kale.

Musharaxnimadiisa ayaa kala qaybi doonta codadka mucaaradka doorashada madaxtinimada ee Janaayo 2024-ka.

Marka la eego nidaamka qofka ku guulaysta xilka madaxweynanimada, ayna marka ay jiraan laba musharrax oo mucaarid ah oo ku loolamaya in xisbiga talada haya ay meesha ka saaraan, in mid saddexaad lagu daro malaha shaqadaas mid fudud maaha.

Isniintii ayuu Mr Guo ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan doorashada taasoo si weyn looga hadal hayo gudaha Taiwan.

Jasiiradda iskeed isu maamusho ayaa dooran doonta madaxweyne cusub 2024-ka, iyadoo ay sii kordhayaan hanjabaadaha ka imaanaya xukuumadda Beijing.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker