Turkiga Oo Qab-qabtay Tahriibayaal ay ku Jiraan Soomaali.

63 Ruux muhaajiriin ay Soomali ku jiraan ayaa waxaa lagu qabtay Xeebaha Koonfurta Galbeed ee dalka Turkiga,xilli ay doonayeen inaysi sharci darro ah uga sii safraan dalkaas.

 

War kasoo baxay hay’adaha Amniga dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in Koox ka tirsan Ciidamada Ilaalada dalkaas ay qabteen Saddex Dooni oo ay muhaajiriin badan la socdeen,kuwaas oo ka ambabaxay Xeebta degmada Badruum ee Koonfurta Galbeed dalka Turkiga.

63 Ruux ee Muhaajirinta ah ee lagu qabtay Turkiga ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan wadamada,Soomaaliya,Yemen iyo Falastiin,waxana dadka la qabtay ku jira Carruur iyo Haween.

 

 

Warbaahinta Turkiga ayaa qortay in todobaadkii hore Ciidamada Ammaanka dalkaas ay gacanta ku dhigeen 1300 Tahriibayaal,kuwaas oo qorsheeynayay in si sharci darro ah uga tahriibaan Gobolka Waqooyi Galbeed ee dalka Turkiga oo xaduud la leh dalka Greece.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Turkiga Suleymaan Soylu ayaa sheegay in sanadkaan kaliya gacanta ku dhigeen Muhaajiriin tiradooda gaareyso 337,000 oo Sharci darro ah ku safri laheyd.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker