Madaxweyne Erdogan Oo Ku Sheegay Madaxweynaha Joe Biden Inuu Gacmaha dhiig ku sito

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “gacmaha dhiig ku sito” sababo la xidhiidha taageeradiisa dagaalka Israa’iil ay ku qaadeyo Marinka Gaza.

Hadalka Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishinka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga daawaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad bishii January.

Waxa uu toddobaadkii tegay ku eedeeyey Israel Inay qaadeyso “argagixasanimo”, wuxuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza.

Erdogan ayaa wada olole diblomaasi ah oo uu doonayo in cunaqabateyno iyo ciqaabo kale lagu saaro Israa’iil oo tan iyo 10-kii May duqeyn ka wadda Gaza, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan ku dhowaad 60 carruur ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker