Taageerayaasha Atletico Madrid oo Aad uga Naxay Natiijada Caafimaad ee Luis Suarez

Jamaahiirta kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid iyo guud ahaan kuwa jecel dareenka xamaasadeed ee kubadda cagta ayaa qalbi jab kala kulmay natiijada baadhitaanadii ugu dambeeyay ee caabuqa Korona Fayras ee lagu sameeyay Luis Suarez.

 

 

Suarez ayaa xagaagii dhawaa iskaga tegay Barcelona oo si xun ula dhaqantay isaga oo bedelkeeda ku biiray kooxda ay horyaalka La Liga isku hayaan ee Atletico Madrid oo uu qaab cajiib ah ugu bilawday xilli ciyaareedka cusub.

 

 

Suarez ayaa la filayay inuu toos uga hor iman doono kooxdii uu lixda sano ee guulaha ah kusoo qaatay Sabtida kulanka Wanda Metropolitano ka dhacaya ee ay Rojiblancos qaabili doonaan dhigooda Barcelona.

 

 

Haddaba, sida ay natiijadii ugu dambaysay sheegayso Luis ayaa gabi ahaanba ka maqnaan doona kulankaas kaddib markii baadhitaanka cusub lagu sheegay inuu wali xanuunka qabo.

 

 

Xiddigaha xulka qaranka Uruguay ayaa dhammaantood karantiin ku jiray tan iyo markii Suarez laga helay xanuunka 16-kii bishan November.

 

 

Warkan ayaan kaliya niyad jab ku noqonayn Barcelona balse sidoo kale taabanaya qalbiga Suarez kaas oo doonayay inuu wax badan u kala cadeeyo kooxdii uu qaabka xun kaga tagay.

 

 

Suarez ayuu tababare Ronald Koeman oo taleefanka kala hadlay u sheegay inuusan qayb ka ahayn qorshayaashiisa kooxda oo uu keyd ahaan doono haddii uu sii joogo.

 

 

Qaabka uu Suarez kaga baxay Camp Nou ayaa ahayd mid murugo leh isagoo ciyaaryahanka qudhiisu qirtay inuu maalmo ooyayay kaddib markii loo sheegay inuu koox cusub raadsado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker