Nin 60 caruur ah dhalay oo raadinaya xaas afaraad iyo caruur dheeraad ah

Sardar Haji Jan Muxammad Khan oo ku nool magaalada Quetta ee caasimadda gobolka Balochistan ee waddanka Pakistan ayaa sheegay in uu u dhashay canugiisii ​​60-aad, maalintii Axadda.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu sheegay in shan ka mid ah carruurtiisa ay noqdeen kuwo Alle ka jeclaaday [ka dhinteen] halka 55 ka mid ah ay nool yihiin oo caafimaad qabaan.

Waxa uu sheegay in uusan halkaasi ku joogsan doonin, hadii Alle idmona uu ubad badan dhalin doono, iyadoo uu sidoo kale qorsheynayo inuu guur Afaraad sameeyo.

Sardar Jan Muxammad Khan oo konton jir ah ayaa waxa uu ka soo jeedaa qabaa’ilka Khalji wuxuuna degan yahay dhanka bari ee magaalada Quetta. Waa dhakhtar caafimaad, waxaana uu xarun caafimaad ku leeyahay isla aagga.

Sida laga soo xigtay xogta ay soo saartay Qaramada Midoobay, laga soo bilaabo 1960-meeyadii, heerka kobaca dadweynaha ayaa hoos u dhacayay adduunka oo dhan halka sanadkii 2020 uu ka yaraa boqolkiiba hal. Pakistan Heerka kororku wuxuu ka yaraa boqolkiiba 2 oo waxa uu sannadkaas ahaa 1.9 boqolkiiba.

Guur afraad iyo rabitaankiisa ah in uu dhalo carruur kale
Sardar Jan Muxamed ayaa sheegay in uu doonayo in uu sameeyo guurkii afaraad sidaas darteed uu raadinayo haweeney afaraad.

Wuxuu yidhi: “Waxaan ka codsaday dhammaan asxaabtayda inay iga caawiyaan sidii aan u heli haweeneydi guurkayga afaraad iga caawin lahayd. Noloshu waa ay ka sii baxaysaa gacanta, marka waxaan jeclaan lahaa in guurkii afraad uu dhaqso u dhaco.”

Waxa uu sheegay in aysan ahayn rabitaankiisa oo kaliya in uu ubad badan dhalo, balse sidoo kale xaasaskiisa ay sidaas oo kale rabaan kuwaas oo gabdho badan dhalay marka loo eego wiilasha.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah gabdhihiisa ay da’doodu ka weyn tahay 20-sano, balse aysan midkoodna weli guursan, maadaama ay waxbaranayaan.
‘Dhaqaale ahaan waxay wajahayaan dhibaatooyin’
Xaaji Jan Muxamed ayaa sheegay in uusan lahayn ganacsi weyn balse dhammaan qarashka gurigiisa ku baxa ay ku xiran tahay waxa laga helo rugtiisa caafimaadka.

Waxa uu sheegay in markii hore aanay dhibaato badan kala kulmin kharashaadka carruurta, balse ilaa saddexdii sanno ee u dambeeyay ay soo food saartay dhibaato dhaqaale sababo la xiriira sicir bararka.

“Ganacsigu wuu istaagay. Qiimaha dhammaan badeecooyinka aasaasiga ah oo ay ku jiraan daqiiqda, subagga iyo sonkorta ayaa saddex jibaarmay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in uu dadaal u galay sidii uu caruurtiisa uga farxin lahaa.

Isaga oo aan cidna wax gargaar ah ka codsan ayuu isku dayay in uu qarashka ku baxa reerkiisa maareeyo.

Waxa uu sheegay in dhamaan caruurtiisa ay wax baranayaan sidaa dareteedna dhaqaalaha ugu badan uu ku bixiyo waxbarashadooda.

Sidoo kale, ninkan ayaa sheegay in inkasta oo uusan cidna wax kaalmo ah ka waydiin kharashaadka carruurtiisa, haddana uu dalbanayo in carruurtayda xuquuqdooda muwaadinnimo la siiyo si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Hadda way adag tahay in carruurta lagu kaxeeyo baabuurka’
Sardar Jan Muxammad ayaa sheegay in isaga laftiisa uu aad u jecel yahay safarka uuna doonayo in caruurtiisa ay u safraan dhamaan qeybaha dalka Pakistan.

Waxa uu sheegay in caruurtiisa markii ay yaraayeen ay fududeyd in gaariga lagu qaado, balse hadda aysan suuragal aheyn in gaariga lagu wada qaado hal.

Waxa uu sheegay in uu ka doonayo in dowladda ay ka caawiso safarka carruurta. “Haddii dowladdu ay i siiso bas weyn, waxaan awoodi karayaa inaan dhammaan carruurtayda geeyo meel kasta oo ka mid ah Pakistan weliba si sahal ah.

Sardar Jan Muxammad Khan Khilji waa aabaha labaad ee ugu caruurta badan oo ilaa hadda soo laga ogyahay Balochistan.

Horay ayaa nin lagu magacaabo Cabdul Majiid Mengal waxa uu guursaday lix xaas, waxaana ay u dhaleen 54 caruur ah.

Cabdul Majiid Mengal ayaa dhintay bishii hore isagoo 75 jir ah, laba xaas iyo 12 caruur ah ayaa ka dhintay intii uu noolaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker