Wariye Yoonis Cali Nuur Oo xalay Ku Geeriyooday Magaalada London

Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada London ku geeriyooday Wariye Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansanaa Warbaahinta Soomaalida.

Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, waxaana lagu tilmaamaa aabayaasha Warbaahinta.

Waxaa uu saxaafadda ku soo biiray sanadkii 1973, isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, sidoo kale sanadkii 1983 ayuu ku biiray Idaacadda BBC.

Yoonis Cali Nuur waxaa uu dhashay sanadkii 1952, isaga oo ku dhashay deegaanka Arabsiyo , Waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay la taliye u ahaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo mar ka shaqeeyay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka Somaliland ee SLNT.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker